
Olole balaaran oo dhinaca nadaafada ah ayaa maanta laga
sameeyey meel u dhexeysa wadada isku xirta isgoysyada
H/wadaag iyo Baar Ubax gaar ahaan agagaarka masaajidka
Xareed oo ku yaala degmada H/wadaag ee magaaladda Muqdisho,
kaasoo ay Hormuud ka ahaayeen fulintiisa mas’uuliyiin
ka tirsan golaha abwaaniinta Soomaliyeed oo uu ka mid
ahaa guddoomiyaha golahaaasi Abwaan Abshir Nuur Faarax
(Bacadle)

Goobtan ololaha nadaafadeed laga fuliyey ee ku taala
agagaarka masaajidka Xareed ee degmada H/wadaag ayaa
aheyd goob caan ku ah in biyuhu ay fariistaan xiliyada
ay roobabku ka da’aan magaalada Muqdisho, waxaana
markii ay ka qalaleen biyaha oo in muddo ah halkaasi
fadhiyey ku soo haray qashin aad u fara badan oo iskugu
jira kuwo daadadka ka dhashay biyaha roobka ay xaafadaaha
ka soo qaadeen iyo qaar ay ku shubi jireen dadka halkaasi
degan, kaasoo goobtaasi ka dhigay mid nadaafad ahaan
aad u liidata, waxaana la arkayey maanta qashinkii faraha
badnaa ee dhex ceegaagay wadadaasi oo qaadistiisa ay
ka howgalayeen Baale iyo gawaari badan oo nooca iska
rogayaasha oo u daad gureynayey meelo fog fog oo ku
yaala duleedka magaalada Muqdisho, taasoo dib u soo
celisay bilicdii ay goobtaasi lahaan jirtay.

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) ah oo ah guddoomiyaha
golaha abwaaniinta Soomaaliyeed oo kormeeyey howsha
nadaafadeed ee ka socotay halkaasi ayaa sheegay in qarashka
ku baxay ololehan nadaafadeed oo gaarayaey in ka badan
$1350 (kun iyo saddex boqol iyo konton Dollar) ay qeyb
ka aheyd qarash uga soo haray lacag uu bixiyey ganacsade
magaciisa qariyey oo loogu talo galay in lagu dayactiro
wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, isagoo sheegay in
inta kale ee ka soo hartay ay la daydayan doonaan goobo
kale oo baahi weyn looga qabo.

“Waxaa howshan gacan weyn ka geystay Maxamed Max’uud
Sabriye oo ka mid ah ganacsatada qalabka dhismaha ee
magaalada Muqdisho oo noogu deeqay baalaha ka qeyb qaadanayey
howshan noona balan qaaday in haddii aan u soo baahano
xiliyo kale uu diyaar noola yahay, sidoo kale ololehan
nadaafadeed ee aynu maanta ka fulinay masaajidka Xareed
waxa gacan weyn ka geystay ganacsade C/raxmaan Axmed
Sabriye (Gees-cadde) oo ka mid ah ganasatada magaalada
Muqdisho kaasoo ku deeqay gaari iska roge ah iyo shidaalkiisa
intii ay howsha socotay, noona balanqaaday in xiligi
aan u baahano aan adeegsan karno,” ayuu yiri Abshir
Bacadle oo inta ku daray in halkaasi laga qaaday maanta
27 Kaariko oo qashin iyo ciid iskugu jirtay, wuxuuna
dhinaca kale sheegay in dadka deegaanku ay u balan qaadeen
ineysan qashin dambe ku shubi doonin kana hortegi doonaan
cid kasta oo qashin ku shubeysa goobtaasi.
Kala xiriir abwaan Abshir
Nuur Faarax (Bacadle)
Tel: +25250-900050 ama +2521-5858752 ama 62-393333 E-mail
abshirbacadle@hotmail.com



Cowslafil,news,network
(CNN).
email:
cowslafil@cowslafil.com.