Mansabka siyaasadeed ee dalka soomaaliya ayaa ahaa
mid jahawareersan tan iyo intii ay jabhado hubeysani
xukunka dalka ka tuureen xukuumadii mudada dheer soo
xukumeysay dalka ee hogaanka u ahaa allaha u naxariistee
maxamed siyad barre january 26-1991.
Tan iyo intii ka dambaysay xiligaas ayaa mansabka siyaasadeed
ee dalka waxa uu gacanta u galay ma naxayaal ku abtirsada
qabiil dagaal ogayaal jaahiliin ah,hogaan qabiil, afarjeeblayaal
bac madow ku qaata dhiiga dadka iyo wadaado xukun doon
ah.
Hadaba siyaasadahaasi guracan waxay dhaxalsiiyeen bulshaweynta
soomaaliyeed halaag burbur iyo baaba baahsan kaasi oo
barakada ka qaaday jiritaankii xag bulsho, dhaqan iyo
dhaqaale, oo ay weheliso nabadii oo ka duushay gayiga
soomaliyeed.
Taasi oo meeshaba ka saartay damiirkii biniadanimo
ee shaqsiga soomaliga ahaa uu ku lahaa bulshada caalamka
dhexdeeda taasi oo ay quursi iyo sharaf xumo kala kulmaan
wadan kasta oo ay ku dhaqan yihiin muwaadiniinta soomaaliyeed.
Shacabkan taagta daran ayaa ah kuwo aan laheyn cid
masuul ka ah ama u dooda si ay u helaan xaquuqdooda
iyo jiritaankooda ummadeed.marka laga hadlaayo ADVOCATION
OF HUMAN RIGHTS DEFEND.haddaba dadka soomaaliyeed ee
qurba joogta ah ayaa ayagu ay ku noqotay boog wadnahooda
subax waliba wararka ay website-yadu ka qoraan xasuuqa
bini’aadnimo ee lagu hayo ummada aan waxba galabsan
ee soomaaliyeed,taasi oo cinwaan looga dhigo.
madaafiic lagu duqeeyay suuqyada,dad la qalay, kuwo
rasaastu ay haleeshay,kuwo doonyo ay badda kula dagtay,kuwo
saxaraha ku la'day iyo kuwo xabsiyada caalamka ka buuxa
bilaa xukun la'aan,haddaba waxaa suaal mudan wa maxay
danta dadka hogaanka sheeganaya ee raaliga ka ah in
hooyooyin soomaaliyeed oo khudaar ku gadaya suuqa madaafiic
lala dhoco hadaba muwaadiniinta soomaaliyeed maxaa la
gudboon dulucda sheekada ayaa ah.(MA DHIRTAY XUKUMI
DADKIIBA DHOWR QOF BAA HARAYE)
waxaa soo diyaariyay
Dr:-Maxamuud Wacdi Ibrahim
Valleta-Malta
Email:-kaboweyne65@hotmail.com
Tel:-+35699166530
E-mail: cowslafil@cowslafil.com.