Iyadoo ay jiraan dad badanoo Soomaali ah oo ku dhibaateysan
Soomaaliya gaar ahaan gudaha magaalada Muqdisho iyo
hareeraheeda, kuwaasoo maalin walbo la kulma dhimasho
iyo dhaawac kaga immanaya Madaafiicda arxandarada ah
ee lagu kor garaacayo dhiigooduna uu laamiyada qul qullayo,
sidoo kalena xeryaha qaxootiga ee deriska ku dacdareysan
qaarkalena ay badaha Aduunyadu Doonyuhu kula shiidayaan
iyagoo dhibaato ka carar ah.
Hadana waxaa jira Soomaali farabadan oo kuwan la dhashay
oo ku nool Wadamada barwaaqo sooranka iyo qaarada Ameerika,
Dadka ku nool dibadaha ayaa qaarkood waxa y waqtigooda
inta badan ku bixiyaan Dalxiisyo ay ku tagayaan wadamada
kala duwan ee Aduunka.
Qoraa Sare oo Aynu Saaxiibo nahay ayaa iiga sheekeeyay
inuu wacay nin isaga saaxiib la ah oo ku nool Mareykanka
gaar ahaan Gobolka Minneapolis kaasoo ay ka dhaxeysay
balan ah inuu dhaqaalo usoo diro,
Laakiin marka uu wacay waxa uu ku jawaabay ninkii joogay
Mareykanka “Sorry Walaal waan ku illaabay labadaan
todobnaad waxaan jiray London”.
Marka aad fiiriso qisada qoraaga saaxiibkey ah ka qabsatay
ninkii uu wacay ayaa waxaad ogaaneysaa in Soomaalida
dibad jooga ah qaar kood ay daxiisyadii weli ka xiisin,
iyadoo dadban oo la dhashay ama la qaraabo ay wax dheef
ka sugayaan maadama dalkan Shaqo la sheegi kara aysan
ka jirin.
Waxaa kaloo jira dad fara badan oo Buufis inta la giliyay
oo Xoogaa dhaqaalo loo soo diray loo sheegayna in la
dhoofinayo aan meel fog la geyn oo ku dhibaateysan meelihii
la geeyay oo ay ka mid yihiin dalalka Uganda Kenya S/Afica
Yeman IWM,
dadkii geeyayna taleefanada VOICE MAIL ku xirtay si
qofka la soo xambaarayo taleefanka uga dhibin,
Soomaaliyana ma joogaan meeshii ay rabeena lama geyn
sidaasna shalaay iyo Alla maxaa isoo waday ku callaacalaan
iyagoo dhowr habeen qaday,
Waxaa ka dibna dhacda in qofka maqan uu awoodi waayo
inuu cidii Soomaaliya joogtay biilo qofkii uu soo wadayna
wax u sooo diri waayo oo waqtiga ku dheeraadaa sidaasna
qofkii isu bixi waayo kadibna dhibaato ka weyn midii
uu ka cararay ku qabsataa wadankii uu tagay ka dib waxaa
dhacda in Xamar guri looga gado oo loo diro hadiiba
uu cid xoogaa dhaqaalo qabta ka soo ag tagay hadii kalena
mudo meesha lagu illaabaa.
Si aad ah ayaa la isugu dhiban yahay dadka maqan iyo
kuwa Xamar jooga waayo dadka maqan iyaga ayaa lagu tashtaa
oo wax laga sugaa ama hadey shaqeeyaan iyo hadey shaqeenba
oo biilka cidda iyaga ayuu saaran yahay hadiiba ay cid
soo biillaabaan,
Dadka maqan qaarkood waa dhuu dhuuntaan iyagoo jooga
ayey cidkale u dhiibaan oo af English kula hadla dadka
waca markaas ayeey yiraahdaan “Sorry Wrong Number”
{ Nambarka ayaa kaa qaldan iga raali noqo}
qofkii wax wacayay isagoo ka baqaya lacagta ka go’aysa
ayuu iska dhigaa taleefanka isagoo habaartamaya dibna
ugama celiyo.
Markii aad u kuur gasho dhamaan arimahan dhibaatada
leh hadana runtii Soomaalida badankood waxa ay ku tiirsan
yihiin lacagaha looga soo diro dibadaha 90% Boqolkiiba
Shagaashan waxaan dhihi karaa waxa ay ku wada nool yihiin
lacagaha loo soo diro,oo waad aragtaa maanta Somalia
wax Dhaq dhaqaaq ama soo saaris dhaqaalo ma jiraan wallow
Biyo aad Sacabahaada uga oon baxi karto.
Ugu danbeyntii arimahan iddilkood ayaa ah kuwa ay sababeen
dhibaatooyinka aan dhamaatka laheyn ee ka jira Somaliya,
bal ka waran hadii Maanta aan wax Dagaal ah ka jiri
laheyn dalkeena oo aan iska nabdoon laheyn yaaba Lacag
lasoo diro isku haleyn lahaa? Majirto waayo qofkasta
shaqo ayuu heli lahaa waana lawada xamaalan lahaa kii
rabana beertiisa ayuu iska falan lahaa.
Hadaba Alle waxaan ka baryayaa in wadan keena nabad
waarta noogu dhigo,Shacabkan Daalay Allow usoo maciin
adigaa Wax walbo toosinkara e Illaahow Nabad Illaahow
Nabad Iddinkanuna Aamiin dhaha AAMIIN AAMIIN.
W/D Qoraa Saxafi Soomaaliyeed
Asad Abukar Cali (Asad Yare) Somalia Mugadishu (Bedri
Media Production And Resources) E-Mail asadyarencc@hotmail.com
E-mail: cowslafil@cowslafil.com.