
.JPG)
Deeq lacageed oo ka timid gabdhaha Jaaliyadda Somalida
ee ku kala dhaqan magaalooyinka Copenhagen Odeso ee
dalka Denmark ayaa maanta loo qeybiyey dad iskugu jira
agoon, camooleyaal, rajooyin, Curyaamin iyo dad ah kana
yimid xaafadaha Gubta, Dayniile, Madiina iyo nawaxaiga
Suuqa bakaaraha ee magaalada ay dagaaladu afeeyeen ee
Muqdisho.
.JPG)
Deeqdan hore oo ka koobneyd $1,550 (Kun iyo shan boqol
oo Dollar) ayaa waxaa soo diray wakiilna ka ahaa gabdhaha
ay ka mid yihin Faadumo Aadan Cali iyo Maryan Faarax
Ubane oo ka tirsan jaaliyada Somalida ee magaalada Copenhagen,
tan labaadna waxay dhan tahay $1910 (kun iyo sagaal
boqol iyo taban Dolar) waxaana wakiil ka ahaa gabdhaha
kal ah Iftin Sheekh Xasan oo ka mid ah gabdhaha jaliyaad
somalida ee ku dhaqan magaalada Odeso ee dalka Denmark,
waxaana la soo mariyey dhamaan deeqdaasi guddoomiyaha
golaha abwaaniinta Soomaaliyeed Abwaan Abshir Nuur Faarax
(Bacadle) oo isna u qeybiyey dadkii loogu talo galay
in la gaarsiiyo.
.JPG)
“Qeyb ka mid waxaa la siiyey dad dhib gaar ah
qaba oo ku jira xeryaha barakacayaasha Muqdisho qaarkood,
qeybna maanta ayaa la bixiyey, qeybta sadexaadna maalmaha
soo socda ayaa la bixin doonaa hadii eebe Idmo”
ayuu yiri Abwaan Abshir Nuur Bacadle oo intaa ku daray
in deeqda ka timid gabdhaha Reer Odeso ee dalka Denmark
lagu soo hagaajiyey hagaajiyey isaga iyo agaasimaha
Universal TV Jeekey.
.JPG)
.JPG)
Dadkii loo qeybiyey deeqdaasi ayaa si weyn uga mahad
celiyey gabdhaha Jaaliyadaha Somalida ee Copenhagen
iyo Odesa ee dalka (Denmark) ee deeqdan soo gaarsiiyey,
iyagoo sheegay iney ku soo beegantay xilli ay si aad
ah ugu baahnaayeen oo duruufo nololeed oo aad u adagna
ay heystaan, waxayna ugu duceeyeen gabdhihii soo diray
deeqdan inuu ILAAHAY siiyo bedel ka qeyr badan, iyagoo
ugu baaqay jaaliyadaha kale ee Somaliyeed ee ku dhaqan
aduunka iney ku daydaan gabdhaha deeqdan soo gaarsiiyey,
deeq sidanoo kale ahna soo gaarsiiyaan walaalahood ku
dhibaateyan gudaha dalka Somalia.
.JPG)
Dhinaca kale, abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle ayaa
$100 oo ka mid ah deeqahaas ka yimid gabdhaha Jaaliyadda
Somalida ee Denmark ayaa waxaa uu gaarsiiyey hooyo lagu
magacaabo Sahro Cilmi Sheekhdoon oo heysata wiil 2 sano
jir ah oo lagu magacaabo Xasan Maxamed C/llaahi kaasoo
ku dhashay iyadoo ay isku dhegan yihiin ciridkiisa hore
ee afkiisa guud ahaan, taasoo keentay in la waayo meel
uu ka qaato cuntada iyo caanaha.
.JPG)
Wiilkaasi hooyadii ayaa sheegtay in aabihii la waayey
muddo dhowr bilood ah nolol iyo Geeri meel uu jaan iyo
cirib dhigay loona maleynayo inuu ka mid aha adadka
la iska aasay markii ay meel cidlo ah ku haleeleen madaafiicda
iyo hubka la isku weydaarsanayo magaalada Muqdisho ka
gadaal markii la garan waayey, waxayna xustay in wiilkeeda
uu hadda wax ka cabo meel aad u yar oo ay dalooliyeen
dhaqaatiir Soomaliyeed, uusana weli isticmaali karin
karin wax cunto ah, iyadoo u mahad celisay gabdhaha
soo gaarsiiyey deeqdan oo ay sheegtay iney tahay wax
ku oola ah, waxayna ugu baaqday Jaaliyadaha somalida
ee dibeda iney u soo kaalmeeyaan cidii wax taraysana
ay kala soo xiriiiri karto telefankan oo ah +2521-5260082
Kala xiriir abwaan Abshir Nuur
Faarax (Bacadle)
Tel: +25250-900050 ama +2521-5858752 ama 62-393333
E-mail abshirbacadle@hotmail.com
Cowslafil,news,network
(CNN).
email:
cowslafil@cowslafil.com.