Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 


Munaasabadan oo aheyd mid ay si aada usoo abaabuleen Maa`mulka Beesha Qubeys ee London ayaa waxaa isugu yimid Rag. Haween. iyo Dhalinyaro ka`kala timid Magaalada London iyo Magaalooyinka kale ee Dalka Ingiriiksa.

Munaasabadan oo aheyd mid damaashaad iyo Farxad ay hareysay ayaa waxaa markii hore ku furay ayado Qur`aan ah Amran Xasan Cismaan , kadibna waxaa halkaasi hadalka furitaanka kasoo jeediyey Gudoomiyaha Beelweyna Qubeys Mudane Liibaan Cusmaan Cosoble o ugu horeyn kusoo dhaweeyey dhamaan mudanayaasha iyo marwooyinka madasha ku kulansaneyd munaasabadan Cida ee ay isugu yimaadeen isagoo sheegay in Gudiga uu hormuudka u yahay ay farxad u tahay in ay qabsoonto Xafladan sida midii horaba loo qabtay wuxuuna sheegay in ujeedka ay tahay in meel qura lagu wada ciido oo la`isku wada arko aqyaarta.dhalinyarada.haweenka. isagoo sheegay in Caruurtana ay isku baranayaan kuna ogaanayaan walaalahooda kale ee Dalkan kula sugan.

Mudane Liibaan Cosob ayaa sheegay in Beesh Qubeys ay tahay Beel si ahaan u nidaamsan sina ugu baahan in ay noqdaan kuwa wada jira sibuu yiri loo hormariyo Deeganada Beesha Dagto si loogu helo ayuu yiri Xarumo hor leh oo Aqooneed iyo Mid caafimaad isagoo sheegay in Gudiga uu Gudoomiyaha u yahay uu hiigsanayo Talaabooyin waxtarleh loona baahan yahay in ay Beesha Qubeys ee dooratay ay garab istaagto si inta ay xilka hayaan ay uga miradhaliyaan halgankooda hormarineed.

Sidoo kale waxaa madasha xaflada ka hadlay waxfarad badan oo uu ka`mid yahay Nabadoon Xasan Aadan oo sheegay in uu ku faraxsan yahay Kulankan Beesh Qubeysna la`rabo in ay da`daal badan muujiyaan isna garab galaan ayuu yiri isagoo sheegay in Beesh Qubeys tahay Beel dhinacya badan maanta ka dhisan balse ka`huruda xaga hormarinta Deegamada ay Dagto beesha Qubeys ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday.

Waxgaradka ka hadlay waxaa sidoo kale ka`mid ahaa Nabadoon Bashiir Macalin oo si aada uga sheekeeyey mar xaladihii ay beeshan soo martay xiliyadii kala duwanaa ee uu usoo joogay isagoo sheegay in munaasabadan Ciida ee ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Beesha ee Dalkan Ingiriiska ay tahay Talaabo in lagu amaana mudan ayna tahay in sidaan oo kale ay sameeyaan Jaaliyadaha ku dhaqan wadamada kale ee Beesha Qubeys ku abtirsada ayuu yiri Nabadoon Bashiir.

Xafladan oo aheyd mid si xamaasad leh ay isku marxabeynayeen kasoo qeybgalayaasha oo iyagu qaarkood anan ayaamahan is arag ayaa isugu hanbalyeynayey Munaasabada Ciida waxaana arki kareysay Caruur farabadan oo aad u faraxsan si xiisa lehna iskula qabsaday iyadoo hooyooyinka iyo gabdhaha kasoo qeybgalay Xaflada ayaa iyaguna dhankooda Damaashaadka kulanka qeyb ka`ahaa.

Munaasabadan oo aad loo agaasimay ayaa waxaa ka socday hadalo u badan hanbalyooyin oo ay jeedinayaan qeybaha kala duwan ee Beesha qubeys kana soo qeyb galay Xaflada Ciida iyadoo Qadadana ay aheyd mid si heersare loo soo diyaariyey oo halkaa lagu wada cunteeyey.

Gunaanadka Munaasabadan ayaa waxaa lagu gubaabiyey gudiga Beesh Qubeys ee Dalkan Ingiriiska in ay Da`daalkooda sii laba laabaan lagana sugaayo in barnaamijyo wax tar leh sida kan oo kale in ay usoo abaabulaan Beesh Qubeys ee ku dhaqan Dalkan.

cowslafil,news,network (CNN) email: cowslafil@cowslafil.com

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn