
Tan iyo intii ay bilaabatay socdaalka dadka sida bilaa
sharciga ah kusogala dalka malta dhinaca xaga biyaha
bada midetarenian-ka ayaa waxa soo ifbaxaya iney badatay
tirada dadka Somalida ah ee ku dhaqan dalka malta kuwaasi
oo tiradooda lagu qiyaaso inta udhaxeyso 2500 ilaa 3000
oo qaxooti ah.
Hadaba waa sidee xaalada nololeed ee dadka kudhaqan
jaziirada malta C/fitaax Sh. Maxamed Cismaan (C.fitaax
dheere) oo kamid ah qaxootiga kusugan dalka malta oo
aan wareeysi dhinacya badan taabanaya kala yeeshay nolasha
dhabyta ah ee dadka Somaliyeed ee kusugan dalka malta
ayaa ugu horeyntii Hadalkiisa ku bilabay “ugu
horeeynba dadka somaliyed ee kudhaqan magaalooyinka
ay ka koobantahay jaziirada malta oo kala ah Valleta,Comino,Gozo
ayey Somalidu ugu badantahay caasimada valleta taaso
ay 90% kunoolyihiin waxaana aad arki kareeyso daraasiin
dhalinyaro rag iyo dumar ba leh oo tuban suuqyada iyo
faras magaalaha casimada” ayuu yiri /fitaax Sh.
Maxamed Cismaan (C.fitaax dheere) oo si gooniya ula
socda xaalada Soomaalida Malta
Waxaa kale oo uu sheegay C/fataax Dheere in maltacaasimadeeda
valleta aad ka dareemi kartid inuu kasuulayo dhaqankii
suubanaa ee lagu yaqaanay Somalida marki ay joogeen
dalkoodi tusaala ahaan waxaa uu raga qaarkii in a yihiin
kuwo ku qamaama raadinta waxyaalaha maanka dooriya sida
qamriga.
Sidoo kale dumarka somaliyeedna ayuu ku sheegay ee
ku sugan Malta caasimadeed Valeta in si aad ah loogu
arki karayo ineey ka tanaasulayaan dhaqankii lagu yaqaanay
Dumarka Soomaaliyed taasi oo marag ay u tahay iney aad
ugu fududaato marka ay yimaadaan Malta, Hadii ay marwo
aheeyd iyo hadii kalaba lajaan qaadida ragii ay isla
soo galeen safarki dheeraa ee tahriibta iyaga oo marka
aad weydiisid su’aala kusaabsan iney hagaajiyaan
dhaqankooda kujawaaba “HA IGU MASHQUULIN HALKANI
WAA YURUB” taasi oo fajac iyo ama kaak ku noqotay
dad tira yar oo kadanqanaya sharaf dhaca iyo diin la'aanta
dumarkan Soomaaliyeed ee dhaqan doorsoomay kuwaasi oo
u muuqda kuwa katagay dhaqankoodi suubanaa.
Marka aad fiiriso qaabka soomalida cusub ee la jaanaqaadey
galitaanka daafaha yurub laga galo marka laga tago Afrika
ee maalta iyo Talyaaniga ayaa waxaa ay badanaa Iloobaan
Maalmihii Xanuunka Badnaa ee ALLAHAYOW Naga Bixi la
lahaa Saxaraha, xabsiyada, iyo Bada Medetrenao oo dhib
aad u badan ay kala soo kulmeen xasuustiina waa ka dhamaatey
Maxamuud Wacdi Ibbraahin.
kaboweyne65@hotmail.com
Valleta,Malta
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.