Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga
oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNHCR)
ayaa waxay sheegtay inay qorshaynayaan inay dib uga hawl
bilaabaan qeybo ka mid ah dalka Soomaliya oo ay maamulaan
xoogagga Al-shabaab goobahaasoo ay isaga baxday horaantii
sanadkan kaddib markii ay digniino iyo hanjabaado kala
kulantay shaqsiyaad ka mid ah Xoogagga Islaamiga.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda UNHCR una qaabilsan
Soomaaliya ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin dhibaatooyinka
dhinaca bini’aadanimada ee ka jira dalka Soomaaliya,
wuxuuna intaasi ku daray inay rajaynayaan inay dib u
furaan xafiiskooda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka
Bay si ay uga hawl galaan gobollada Bay & Bakool,
Gedo iyo Jubbooyinka.
“Dad gaaraya Saddex Milyan ayaa u baahan gar-gaar,
kuwaasoo ah kala bar bulshada Soomaaliyeed, ma heli
karaan cunno iyo biyo, sidoo kale ma heli karaan adeegyada
kale ee muhiimka u ah nolosha bini’aadamka, mana
awoodaan Al-shabaab inay dadkaasi siiyaan gar-gaarka
ay u baahan yihiin, waana sidaasi sababta aan dib ugu
laabanayno goobahaasi” ayuu yiri wakiilka Hay’adda
UNHCR ee dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda
UNHCR in xoogagga Islaamiyiinta ee ku sugan dalka Soomaaliya
ay ku kala qaybsan yihiin gar-gaarka loo fidinayo dadka
dhibaataysan, qaarkood oo mayal adag ayaa diidan, qaarkoodna
way oggol yihiin, wuxuuna intaasi ku daray in lala hadlo
ururka Al-shabaab micnaheeda inaysan ahayn in la aqoonsado,
isagoo hoosta ka xarriiqay in ay la hadlayaan cid kasta
oo maamusha meel ka mid ah dalka Soomaaliya si ay ugu
fududaato in gargaarka la gaarsiiyo dadka dhibaatada
ay haysato ee ku sugan goobahaasi.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.