Welcome to Cowslafil.com
 

 

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo lagu toogtay bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Maanta
March-09-2010 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam laguna magacabo ALLAHA u naxariistee Barre Cali Barre ayaa goor dhoweyd oo barqanimadii maanta ah lagu toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan xoogaga ka soo horjeeda dowladda Somalia.

Marxuum Barre dilkiisa ayaa yimid ka gadaal markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay weerar ku soo qadeen xilli uu ku sugnaa agagaarka qeybta sarifka lacagaha qalaad ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasoo madaxa kaga dhuftay dhowr xabadood oo sababay in marxuumka uu isla goobtaasi ku geeriyoodo.

Dilka Barre Cali Barre ayaa waxaa xaqiijiyey gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee ururka xisbul Islaam Shiikh Ibraahim Cismaan kaasoo sheegay in meydkiisa ay ka soo qaadeen Suuqa Bakaaraha gudihiisa, ayna wadaan baaritaan la xiriira cidii ka dambeysay.

Kooxihii dilkaasi geystay ayaa iskaga dhaqaaqay goobta lamana oga illaa hadda cida rasmi ahaan ka dambeysay dilkiisa hase ahaatee Barre Cali Barre ayaa ka mid ahaa saraakiisha Xisbul Islaam ee ka soo horjeestay markii la shaaciyey in Shiikh Xasan Turki iyo rag la socda ay ku biireen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, isagoo hada ka horna warbaahinta ka sheegay inuu ka badbaaday bam gacmeed lagu weeraray hoygiisa.

E-mail: cowslafil@cowslafil.com


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn