Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Doolow-Itoobiya
ayaa waxay tababar muddo socday ay u soo gabababeeyeen
ilaa 700 askari oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa hubaysan
ee Ahlu Sunna Wal-jameeca kuwaasoo intooda badan ka
baxay degmooyinka gobolka Gedo oo ay haatan ka arrimiyaan
Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ay si aa ah isaga
soo horjeedaan.
Ciidamadan ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna Wal-jameeca
ee tababarka u soo gabagaboobay ayaa ayaa waxaa lagu
sheegay in ay yihiin qaybtii labaad sida uu sheegay
afhayeenka ciidamadaasi Sheekh Ismaaciil Suufi oo intaasi
ku daray in qayb kale ay hadda xeroonayaan kuwaasoo
loo bilaabayo tababar la xiriira arimaha dagaalka.
Afhayeenka ciidamada tababarka uu u soo gabababoobay
Sheekh Ismaaciil Suufi ayaa waxa uu sheegay in ciidamadan
ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna Wal-jameeca ee tababarka
soo qaatay ay ka qayb qaadan difaacidda diinta Islaamka,
qaranimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed oo uu
sheegay inay ku soo duuleen kooxo uu ku tilmaamay khawaarijta
qarniga oo gacan ka helaya dambiilayaal shisheeye.
Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili xoogagga
Al-shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-Jameeca ay u dhexeyso
xurguf xooggan, dhowr mar oo horena ay dagaallo ku dhex
mareen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud iyo Gedo kaddib
markii ay xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay bilaabeen
hawl gallo ay ku burburrinayaan qabuuro ay ku xabaalan
yihiin mashaa’ikh iyo culumo ka tirsanaa Ahlu
Sunna Wal-jameecah.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com