Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo toddobaadkan gaaray magaalada
Addis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu faah-faahin
ka bixiyay socdaalka uu ku tagay qaar ka mid dalalka
Afrika gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa
ee xarunta dalka Itoobiya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlayay saxaafada
ayaa waxa uu sheegay inuu halkaasi inuu arrimo la xiriira
dhaqaajinta qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso
in ciidamo lagu taageero si ay ugu suurto gasho inay
iska difaacdo kooxo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo
gacan saar la leh shabakadda Al-qaacidah, waa sida uu
hadalka u dhigaye.
“Kooxaha nala dagaalamaya iyaga ayaa horay u
sheegtay inay xiriir la leeyihiin Al-qaacidah, ma ahan
waxaan annagu dhahayno, Al-qaacidah xitaa way qiratay
inay Soomaaliya ka hawl galaan, waxaana Soomaaliya ku
sugan ilaa 2,000 oo dagaal yahano ajaanib ah oo doonaya
inay talada dalka ka ridaan dawladda federalka Soomaaliya”
ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhinaca kale
sheegay inaanay garanayn sababo ay wadaxaajood ula yeeshaan
dad ka amar qaata shaqsiyaad kale oo aan Soomaali ahayn.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda
xukuumadda federalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh
Aadan wuxuu sheegay in in uu shirka midowga Afrika ee
dhowaan ka dhacaya magaalada Tripoli ee dalka Liibiya
uu horgeyn doono codsi ah in waajibaadka loo kordhiyo
ciidamada Amisom, isla markaana howsha nabad ilaalinta
ah ee ay hadda hayaan loogu daro mid nabad-dhalin ah.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com