Maamulkii hore ee Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan
dawladda federalka Soomaaliya ee dhowaan looga itaal
roonaaday gacan ku haynta degmooyin ka tirsan gobolka
Sh/dhexe ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen inay wadaan
qorshayaal ay doonayaan inay dib ula wareegaan degmooyinka
ay kala wareegaan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab
iyo kuwa Xisbul Islaam.
Guddoomiyaha Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ah ee
gobolka Sh/dhexe Macallin Daahir Caddow Calasow oo la
hadlayay saxaafadda isagoo ku sugan qeybo ka mid ah
gobolkaasi ayaa waxa uu sheegay in wadaan dhaq-dhaqaaqyo
ciidan iyo diyaar garow ay ugu jiraan inay mar kale
ku hantiyaan degmooyinka ay haatan maamulaan xarakada
Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.
“Degmada Jowhar, Mahaday iyo Cadale ayay haystaan
kooxahaasi duulaanka ah, degmooyinka kale oo dhan anaga
ayaa gacanta ku haynaa oo aan ammaankiisa sugaynaa, waxaana
qorshaynaynaa in degmooyinkaas aan kala wareegto kooxahaasi
si aan uga badbaadi shacabka bililiqada iyo gowracidda
ay ku hayaan” ayuu yiri macallin Daahir Cadow Calasow
oo intaasi ku daray inaanay weli wax iska beddelin mowqifkooda
oo ay taageersan yihiin dawladda federalka Soomaaliya.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com