Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Khuburo Carbeed oo ka deyriyey xiligaan in faragelin militari lagu sameeyo dalka Soomaaliya

June 30-2009 Cowslafil-Muqdisho- Somalia

Siyaasiyiin u dhashay dalka Masar iyo khuburo kale oo Carbeed ayaa waxay ka digeen khatarta ka dhalan karta faragelin militari oo lagu sameeyo dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay madaxda dawladda federalka Soomaaliya ay waddamada deriska iyo kuwa caalamka ka dalbadeen inay faragelin dhinaca militari ah ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Wargeyska lagu magacaabo Nisful Yowm oo ka soo baxa dalka Masar oo soo xiganayay siyaasiyiintaasi iyo khurubada dalalka Carabta ayaa sheegay in ay waydiisteen dawladda Masar iyo Jaamacadda Carabta inay qaataan go’aan wax ku ool ah oo lagu xallinayo mushkiladda dalka Soomaaliya iyadoo loo sii marayo dhinaca wada xaajoodka iyo dib-u-heshiisiinta si loo baajiyo faragelin lagu sameeyo Soomaaliya.

Dr. Maxamed Zindani oo ah ku xigeenka Madaxa Daraasaadka dalka Masar ayaa waxa uu sheegay in dawladda federalka Soomaaliya aanay si toos ah u waydiisan Jaamacadda Carabta taasi oo muujineysa in Jaamacadda Carabta aanay u fududeyn inay faragelin ku sameyso arrimaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxa xarun kale oo qaabilsan Daraasaadka Afrika Dr. Raafic Sayid Axmed ayaa sheegay in dalabka dawladda federalka ee ciidamo shisheeye ay muujineyso in dalalka Carabta ay gabeen kaalintoodii kaga aadanayd dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in mushkiladda Soomaaliya aas-aaskeeda ay ka dhalatay xanibaadda iyo horumar la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya taasoo dhalinyaro fara badan ku qasabtay inay qoryo qaataan oo ay dagaallamaan.
E-mail: cowslafil@cowslafil.com

Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn