Wasiirrada waxbarashada dalalka Soomaaliya iyo Yemen
ayaa waxay xalay kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan
hirgelinta Barnaamijyo waxbarasho oo ay si toos ah isaga
kaashanayaan labada dawladood muddada saddexda ah ee
soo socota, sida ay saakay shaacisay wakaaladda wararka
SABA ee dalka Yemen.
Wakaaladda wararka SABA ee dalka Yemen ayaa waxa sheegtay
in heshiiskaasi oo ay kala saxiixdeen wasiirka waxbarashada
Yeman Cabdul Salaam Aljowfi iyo dhigiisa Soomaaliya
Axmed C/laahi Waayeel uu fududeyn doono hanaan ay ardeyda
Somalidu isaga diwaan galin karaan macaahida waxbarashada
iyagoo la kaashanaya safaarada ay dawladda Soomaaliya
ku leedahay dalka Yemen.
Heshiiskaasi ay kala saxiixdeen labada masuul ayaa
waxa sidoo kale ka mid ah in macalimiinta Somalia la
siiyo tababaro dhinaca macalinimada iyo manaahij ku
saleysan kan wax looga barto wadankaasi Carbeed ee Yeman
iyo in tababarro sanadle ah oo loo fidinayo maamulayaasha
xagga waxbarashada inta lagu guda jiro bilaha October
iyo December ee sanad walba sida uu qorshuhu yahay.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com