Waxaa xalay fiidkii qarax weyn oo dhawaaqiisa si aad
ah loo maqlay ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga hoteel
ay degganaayeen xubno ka tirsan ururka Xisbul Islaam
oo ku yaalla Xaafadda Hawl wadaag ee galbeedka magaalada
Beledweyne oo ay ka arrimiyaan xoogagga Xisbul Islaam
iyo Al-shabaab ee iskaashanaya.
Markii uu qaraxan dhacay ayaa waxa ay xoogagga Xisbul
Islaam ee halkaasi ku sugnaa ay bilaabeen inay rasaas
xooggan furaan, waxaana durba istaagay dhaq-dhaqaaqa
dadka ee dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne, waxaana
gebi ahaanba soo buux dhaafiyay waddooyinka ciidamo
aad u fara badan oo ka tirsan kuwa Xisbul Islaam.
Wararka laga helayo halkaasi ayaa waxay sheegayaan
in qaraxaasi iyo rasaasta ka dambeysay ay sababeen dhaawaca
hal qof oo rayid ah, waxa uuna sidoo kale khal-khal
aad u weyn geliyay shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne
oo ay markiiba soo xusuustay qaraxii ismiidaaminta ahaa
ee dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay bariga magaalada
Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com