Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee magaalada
Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub oo shir jaraa’id
ku qabtay magaalada Kismaayo ayuu kaga hadlay xaaladihii
ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo dagaallada ka
soconaya magaalada Muqdisho iyo hubka faraha badan ee
ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho oo Maraykanka ay
ku taageereen dawladda federalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan Yacquub oo waxa uu sheegay in aysan ayagu
dhib u arkeyn hubka lagu taakuleeyay Dowlada federalka
Soomaaliya waayo dantayada ayaa ku jirta in aan Maalin
walba helno hub casri ah oo aan ka furano ciidamada
dowladda, wuxuuna dhinaca kale ka dhawaajiyay in hubkaasi
ay Maraykanka ugu talo galeen in lagu xasuuq walaalaha
Mujaahidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka
ah.
“Hubka uu siiyay Mareykanka qolooyinka Dowladda
sheeganeysa waan la wareegi doonnaa, waana qaniimo ay
noo keeneen” ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali
oo intaasi ku daray in aysan wax hub ah soo gadan in
muddo ah, hubka ay muddooyinkii ugu dagaalamayeena uu
yahay mid ay ka furteen ciidamada dowladda, isagoo hoosta
ka xariiqay in hubkaasi Maraykanku keenay ay mujaahidiintu
Fursad u tahay oo uu gacantooda uu soo gali doono.
Hadalka Masuulkan ka tisan Maamulka Islaamiga ah ee magaalada
Kismaayo ee hoos taga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab
ayaa imaanaya xilli xukuumadda Washington ay toddobaadkii
hore qiratay inay hub iyo saanad militari oo ku kacaysa
ilaa toban Milyan oo doollar ay ugu deeqday dawladda federalka
Soomaaliya kaasoo dejintiisa ay socon doonto muddo bil
ah.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com