Kooxaha afduubayaasha maraakiibta Soomaalida ayaa waxay
waqti cayiman u qabteen markab kalluumaysi oo laga leeyahay
dalka Masar oo ay la socdaan ilaa 38 shaqaale oo u dhashay
dalka Masar inay ku bixiyaan lacag madax furashada ah
oo ay dalbanayaan, haddii kalena ay ka takhallusi doonaan
oo ay dhegta dhiigga u dirayaan dhammaan shaqaalahaasi,
sida ay xaqiijiyeen ehellada shaqaalaha markabka saaran.
Dableydaasi Soomaalida ah ee markabkaasi gacanta ku
hayay in ka badan labo bilood ayaa waxay u qabteen muddo
toddobaad ah in lagu bixiyo lacag madax furasho ah oo
gaaraysa Shan milyan oo doollarka Maraykanka iyadoo
milkiilaha markabkaasi iyo shirkadda uu ka diiwaan gashan
yahay ay ka gaabsadeen inay wax ka jawaabaan dalabka
kooxaha afduubayaasha maraakiibta xeebaha Soomaaliya.
Wiil ehel la ah mid ka mid ah shaqaalaha saaran markabka
kalluumaysi ayaa sheegay in xiriir lala soo sameeyay
loona sheegay in kooxaha afduubayaasha maraakiibta xeebaha
Soomaaliya ay durbo bilaabeen in si xun ay ula dhaqmaan
kadib markii ay wax jawaab ah laga bixin lacagtii madax
furashada ee ay dalbadeen, wuxuuna intaasi ku daray
in handadaa iyo cago jugleyn lagu hayo, laguna wargeliyay
in in cuntada laga jarayo kadibna la dilayo hadii mudadaasi
looga jawaabi waayo dalabkooda.
Arintani ayaa walaac balaaran ka muujiyay ehelada shaqaalahaasi
la socda markabka kalluumaysiga oo sheegay inaysan awood
u lahayn inay bixiyaan lacagtaasi , waxayna ugu baaqeen
madaxweynha dalka Masar Xusni Mubaarak, Shirkadda iska
leh Markabka, Hay’adaha Samafalka iyo kuwa u dooda
xaquuqda aadanaha in ay arintaasi soo fara geliyaan oo
ay bad baadiyaan nolosha kaluumaysatadaasi.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com