Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan dawladda federalka
Soomaaliya ayaa waxay ka hadleen duqeyntii shalay ka
dhacday qeybo ka mid ah degmada Hodan gaar ahaan suuqa
Bakaaraha kaasoo sababay dhimasho ilaa shan qofood oo
rayid ah iyo dhaawaca tobanaan kale kuwaasoo loola cararay
goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Midowga Maxkamadaha ee taabacsan dawladda
federalka Somaaliya C/risaaq Maxamed Qaylow oo saxaafadda
la hadlay ayaa waxa uu sheegay in marnaba maxkamadaha
islaamiga aysna raali kahayn madaafiic lagu garaaco
suuqa bakaaraha iyo goobaha kale oo ay dadka rayidka
ah deggan isagoo ugu baaqay kooxaha Mucaadka inaysan
madaafiic ka dhex tuuran goobaha ay dadka ku badan yihiin
iyo suuqyada.
“Annaga raali kama nihin in duqeyn loo gaysto
goobaha dadka rayidka iyo suuqa Bakaaraha, waxaana ugu
baaqaynaa kooxaha Mucaaradka inay ka fogaadaan goobahaasi,
ganacsatadana waxaan ka codsanaynaa inay iska dhiciyaan
kooxaha agtooda madaafiicda ka tuuraya” ayuu yiri
Sheekh C/risaaq Maxamed Qaylow ku simaha afhayeenka
Maxkamadaha Islaamiga oo dhinaca kale sheegay in guri
ku yaalla nawaaxiga shirkadaha uu saaran yahay qori
BKM oo xabado looga soo tuuro dhinaca madaxtooyada.
Hadalka ku simaha afhayeenka Midowga Maxkamadaha Islaamiga
ee taabacsan dawladda federalka ayaa imaanaya xilli
maalintii shalay ahayd ay duqeyno ka dhaceen qeybo ka
mid ah degmada Hodan oo ay Suuqa Bakaaraha uu ku jiro
kaddib markii goobahaasi laga riday madaafiic lala bartilmaameedsaday
garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com