Ugu horeyntii ayuu madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif
sheegey in dowladiisa ay hanbalayo u direyso gobolada
waqooyi ee Soomaaliya iyo Jabuuti Xornimadii ay qaateen,
ka dibna waxaa uu ka hadaley xaalada dagaalada iyo siyaasada
Dowladiisa kala dhexeysa kooxaha mucaaradka ku ah ee
dagaalada kala soo horjeeda.
Waxaa uu ka hadley dagaalada lagu hayo dowladiisa asaga
oo sheegay in dalka la keeni doono ciidamada Amisom
ee ka dhiman kuwa hada jooga ayna kaabi doonaan dowladiisa
hada wixii ka danabeyaha ay imaan doonaan sida ugu dhaqsiaha
badan.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha ka
soo horjeeda ay si kasta ula hadaleen kana codsadeen
in ay joojiyaan dagaalada ay kala soo horjeedaan Dowladiisa
balse ay waxkasta dideen isla markaasna ay dalka keeneen
rag shishiiye oo aan dooneyn in dalka uu dago ay dhibaatadu
ka jirtey 18-ka sano.
“Shiikh Xasan waagii hore waxaan aheyn saxiib,
lakiin hada waxaa la jooha saraakiil Ererteian ah oo
dagaalka dowlada lagu hayo la hugaamiya” ayuu
yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlayey shir
jaraa’id oo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee
magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Saaxiibkisi hore ee
Shiikh Xasan Daahir Aweys in uu iska daayo qaabka uu
wax ku raadinayo isla markaasna uu ka soo laabto qaabkaas
dhibka badan uuna ku raadiyo sida ka fiican sidaas oo
ah wadahadal halkii uu dagaal ku goobi lahaa.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com