Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo waraysi siinayay
wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay inuu
uga mahad celiyay Xukuumadda Washington taageerada militari
oo ay fidisay dawladda federalka Soomaaliya taasoo muujinaysa
sida Maamulka cusub ee Barak Obama uga go’an tahay
inuu door muuqda ku yeesho xal u helidda Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid wuxuu sheegay
in hubka iyo saanadda militari oo ay Marakanka ugu deeqeen
dawladda Soomaaliya uu intiisa badan ka degay magaalada
Muqdisho, kuwa kalena ay waddada ku soo jiraan, wuxuuna
intaasi ku daray in hubkaasi loo adeegsan ka hortagidda
kooxo uu ku tilmaamay inay yihiin dambiilayaal caalami
ah iyo kuwo Soomaaliyeed oo isku kaashanaya inay Soomaaliya
ka dhigaan xarun ay ku tababartaan Al-qaacidah ugana
duulaan dalalka kale ee caalamka.
“Waxaan ugu mahad-celinayaa Madaxweyne Obama
iyo dowladiisa taageeraha ay noo fidiyeen, waqtigan
waa loo baahan yahay hub iyo ciidan badan xilli lagu
jiro waqti adag“ ayuu yiri ra’iisul wasaare
Cumar C/rashiid oo intaasi ku daray inay jiraan dowlado
Islaam ah oo taageero u fidiyay xukuumaddiisa, waqtiyada
soo socdana ay sugayaan inay soo gaaraan hub iyo qalab
kale oo militari.
Ra’iisul wasaare Cumar waxaa uu walaac ka muujiyay
wadanku dhibaatada uu ku jiro 49-sanno ka dib waqtigii
ay umadu qaadatay xorriyada, waxa uuna intaasi ku daray
in uu aad uga xun yahay in Calanka ummada Soomaliyeed
ee loo soo huray nafta iyo maalka in la gubo, isla markaasina
lagu beddelo calan madow oo ay kooxaha Islaamiyiinta
ah ka taagaan deegaanada ay awooda ku leeyihiin ee koonfurta
Somalia.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com