Taliyaha Hawl gallada Ciidamada Midowga Afrika ee nabad
ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya Franso Sokello oo
warbaahinta la hadlayay ayaa waxa si weyn uga soo horjeestay
eedeymaha ay u soo jeedisay hay’adda Xuquuqda
Aadanaha ee Human Rights Watch oo ah in ciidamada AMISOM
ay tacaddiyo ka dhan bini’aadanimada ka gaystaan
dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Franso Sokelo wuxuu warbixinta Hay’addaasi ku
tilmaamay mid aanay sal iyo raad toona lahayn oo ay
qoreen dad aan xog-ogaal u ahayn hawl gallada nabad
ilaalinta ciidamada Midowga Afrika ka wadaan dalka Soomaaliya,
wuxuuna ugu baaqay Hay’addaasi inay keenaan caddaymo
la xiriirta eedeymaha ay u soo jeediyeen, haddii kalena
ay raali gelin ka bixiso warbixinta been abuurka ah
oo ay shaacisay.
“Ciidamada AMISOM waxay dalka Soomaaliya u joogaan
hawlo cayiman oo ah nabad ilaalin iyo gacan siin shacabka
Soomaaliyeed, waxay caawimaad dhinacyo badan leh u sameeyaan
shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan gaar ahaan daaweynta
kuwa dhaawacmay, warbixinta ay Hay’adda soo saartayna
waxay meel ka ku dhac ku tahay ururka Midowga Afrika
iyo ciidamada AMISOM” ayuu yiri Franso Sokello.
Taliyaha Hawl gallada ciidamada AMISOM Franso Sokello
wuxuu dhinaca kale sheegay in kooxo uu ku tilmaamay nabad
diid ay fuliyaan weeraro iyaga ka dhan ah iyagoo adeegsanaya
miinooyinka dhulka la geliyo iyo weeraro toos ah, wuxuuna
intaasi ku daray inay ciidamada AMISOM xaq u leeyihiin
inay is difaacaan haddii la soo weeraro oo ay rasaasta
la beegsadaan kooxaha soo weeraray.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com