Ururka Jamaacatu Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Urdun
ayaa waxay markii ugu horreysay ka hadleen dagaallada
ka soconaya dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho
ee u dhexeeya dawladda federalka Soomaaliya iyo xoogagga
Mucaaradka ah, waxayna sheegeen inay doonayaan inay
kaalintooda ka qaataan dhex-dhexaadinta iyo heshiisinta
dhinacyada Soomaaliyeed ee dagaalamaya.
Kormeeraha guud ee ururka Jamaatu Ikhwaanul Muslimiin
ee dalka Urdun Xamaam Siciid Baashir ayaa waxa uu sheegay
inay aad uga xun yihiin dagaallada ka soconaya dalka
Soomaaliya ee u dhexeeya dawladda federalka iyo xoogagga
Mucaaradka kaasoo sababay dhimasho, dhaawac, barakac
iyo burbur hantiyeed, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada
dagaalamaya inay danaha gaarka ah oo ay leeyihin ka
hor mariyaan maxlamadda caamka ah ee ummadda Soomaaliyeed.
Bar Intenat oo ay leeyihiin Jamaatu Ikhwaanul Muslimiin
ee dalka Urdan ayaa waxa uu sheegay in kormeeraha guud
ee ururkaasi Siciid Baashir uu sheegay inay diyaar u
yihiin inay dhex-dhexaadin ka dhex bilaabaan dhinacyada
ku dagaalamaya dalka Soomaaliya kana dhaadhiciyaan inay
midoobaan, kana fakaraan aayaha iyo horumarinta dalka
Soomaaliya oo muddo ku dhowaad 20 sano ku ku jiray burbur
iyo dagaallo.
“Dhiigga daadanaha ee walaalaha Muslimiinta Soomaaliya
aad ayaan uga xunahay, waxaana ku baaqaynaa in la joojiyo
dagaallada, oo aan fursad loo siinin inay dalka gacanta
ku dhigaan dalal shisheeye oo aanay dan ugu jirin maslaxadda
shacabka Soomaaliyeed iyo gumeysi” ayuu yiri kormeeraha
guud ee Jamaatul Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Urdun
oo dhinaca kale ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay
si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan
dagaalka.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com