Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegeen
inay meel fiican marayaan dhex-dhexaadin ay ka dhex
wadaan Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan dawladda
federalka Soomaaliya iyo xoogagga ka soo horjeeda Xisbul
Islaam oo ku kala sugan Galbeedka iyo bariga magaalada
Beledweyne, dhowr jeer oo horayna ay u dhex mareen is
rasaasayn sababtay dhimasho iyo dhaawaca.
Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Nabadoon
Maxamud Axmed Tooshow oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa
uu sheegay inay meel wanaagsan u marayso dadaalada nabadeed
oo ay ka dhex wadaan qeybaha kala duwan ee bulshada
gobolka Hiiraan, ayna rajaynayaan inay si fool-ka-fool
ah isu soo hor fariisiyaan maalmaha soo socda si meel
laysaga dhigo khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha
ka dhaxaysa labada dhinac lana baajiyo dagaal kale oo
dhiib badani uu ku daato.
Nabadoon Maxamud Axmed Tooshow wuxuu sheegay inay dhinacyada
ku kala sugan magaalada Beledweyne ay xor yihiin inay
ciddii ay doonaan taageeraan balse waxaa waajib ah ayuu
yiri in laga wada shaqeeyo Maslaxadda iyo horumarka
gobolka Hiiraan, wuxuuna dhinaca kale u mahad celiyay
hoggaanka Maxkamadaha Islaamiga iyo ururka Xisbul Islaam
oo si weyn u soo dhoweeyay dhex-dhexaadinta ay wadaan
odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
Hadalka guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan
ayaa imaanaysa xilli ay magaalada Beledweyne muddooyinkii
ugu dambeeyay ka dhaceen qaraxyo iyo rabshado kale oo
salka ku haya kala aragti duwanaansha xoogagga ku kala
sugan magaaladaasi, waxaana dhinaca bari ee magaalada
Beledweyne saaran bandow ay ku soo rogeen Maamulka Maxkamadaha
Islaamiga ee taabacsan dawladda federalka.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com