Dhallinyarada Soomaaliyeed ee tahriibayaasha ah ee
ku sugan dalka Sudan ayaa waxay walaac iyo qaylo dhaan
ka muujiyeen hakad ku yimid tahriibinta iyo isaga kala
gooshidda inta u dhexeysa dalalka Sudan iyo Liibiya
kaddib markii ay dawladda Sudan billowday olole ay kula
dagaalamaya tahriibka.
Mid ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku sugan
magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa waxa uu sheegay
in dhalinyaro fara badan oo tahriib doon ah ay ku xayiran
yihiin dalka Sudan kuwaasoo ay soo food saartay xaalad
adag oo dhinaca ah nolosha ah kaddib markii ay gabaabsi
ka noqdeen qarashaadkii ay ugu talo galeen inay uga
gudbaan saxaraha dheer ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo
Liibiya.
Wuxuu sheegay in ciidamada booliska dawladda Sudan
ay xabsiga dhigeen in ka badan lix ka tirsanaa Muqallasiin
isugu jira Sudan, Liibiya iyo Soomaaliya kuwaasoo lagu
xukumay xarig u dhexeeya 3 – 6 sano, wuxuuna intaasi
ku daray inay ciidamada booliska weli baadi goob ugu
jiraan kuwo kale oo hor leh iyagoo gaaf wareegaya goobaha
laga rari jiray goobaha boosteejooyinka u ahayd gawaarida
tahriibka ee isaga kala gooshi jiray saxaraha dheer
ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Liibiya.
Ololaha ay dawladda Sudan kula dagaalamayso tahriibka
dadka ayaa waxa uu billowdan tan iyo markii dhamaadkii
sanadkii la soo dhaafay ay in ka badan 25 tahriibayaal
Soomaali u badan ay ku geeriyoodeen saxaraha u dhexeeya
dalka Sudan iyo Liibiya, in ka badan 80 qofoodna ay
soo gaareen dhaawacyo qaarkood ay ahaayeen kuwo aad
u culus kaddib markii uu la qallibmay gaarigii ay la
socdaan oo ku socday xawaare aad u dheereeya.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com