Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Dawladda Koofurta Kuuriya oo shaacisay inay ciidamo u dirayso dalka Soomaaliya haddii ay Qaramada Midoobay dhamayso qorshaha arrintaasi ku aaddan

June 27-2009 Cowslafil-Muqdisho- Somalia

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Koonfurta Kuuriya ayaa waxay shaacisay inay qorshaynayso inay dalka ay Somalia u dirto ilaa 3,000 ciidamo oo aad u qalabaysan si ay qeyb uga noqdaan howlaha nabad ilaalinta dalka Soomaaliya kuwaasoo la sheegay in si dhaqsi ah loogu soo daad gureyn doono gudaha dalka Soomaaliya marka ay dhamaadaan qorshaha Qaramada Midoobay ee ku aaddan ciidamo geynta Soomaaliya.

Wasaaradda Difaaca dalka Koonfurta Kuuriya waxay sheegtay in ciidamadan 1000 ka mid ah ay oo qalabaysan ay si toos ah u hawl galayaan iyagoo caawimaad dheeri ah ka helaya 1000 kale oo askari ah iyo tirada hartay oo ah 1,000 askari kuwaasoo loogu talo galay gurmadka deg-degga ah, waxayna intaasi ku dartay in ay ciidamadan diyaariyeen kaddib markii uu sidaasi ka codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

''Ciidamadeena, marakiibtayada iyo diyaaradaha daalkakeenuba waxaan si dhaqsa leh ugu saacidaynaa Qaramada Midoobay anaga oo u tixgalinayna codsigeeda, waana daad-gureynaynaa hadii ay sidaasi naga dalbadaan si aan uga qayb qaadano soo celinta amaankii iyo kala danbaynta Soomaaliya'' ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda dalka Koonfurta Kuuriya oo la hadlaya warbaahinta caalamiga ah.

Dawladda Konfurta Kuuriya waxaa xilligan ka jooga xeebaha dalka Soomaaliya Maraakiib dagaal iyo boqolaal ciidamo ah oo ka qeyb qaadanaya Hawl gallada la dagaallanka burcad badeedda oo ay Midowga Yurub iyo Gaashaabuurta Nato ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya, lamana garanayo sida ay suurto gal u noqon karto in ay ay ciidamo u soo dirto dalka Soomaaliya xilli dalal badan oo ka mid ah kuwa caalamka ay ka baaqsadeen inay ciidamo u diraan Soomaaliya.

E-mail: cowslafil@cowslafil.com


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn