Xukuumadda Itoobiya ayaa waxay ku gacan sayrtay digniin
ay u jeediyeen Xoogagga Islaamiga ee gacabta ku haya
inta badan koofurta wadanka Somalia kuwaasoo ku hanjabay
in ay duulaan ku qaadi doonaan isla markaana ay weerarro
ka fulin doonaan gudahad dalka Itoobiya haddii ay ka
laaban waayaan faragelinta ay ku hayaan dalka Soomaaliya.
“Wax dhib ah naguma hayso digniinaha Islaamiyiinta
Somalia, dabcan waxa hadalkaasi ka soo yeerayaa waa
Al-shabaab oo jecel in dagaal furan ay ku dhawaaqaan,
balse awood uma lahan in ay na soo weeraraan ee waa
uun iska hadal aan fiiri dheeri loo oran oo looga gol
leeyahay in dadka lagu beer laxawsado waayo dadku way
ogyihiin in aysan waxba u heynin oo ay yihiin canaasiir
dulaaliin gobolka Geeska Afrika uga ah Al-Qaacidda”
ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Breket Simon
oo warfidiyeenka kula hadlayay magaalada Addis Ababa.
Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Barkat Simon ayaa waxa
uu sheegay in xoogaggaasi ay mashquul ku yihiin gudaha
dalka Soomaaliya isla markaana ay dagaallo kula jiraan
dawladda federalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray
inuusan marnaba aaminsanayn in xoogaggaasi ay qalqal
gelin karaan ammaanka dalka Itoobiya oo ay cashar siinayaan
haddii ay soo hawaystaan Itoobiya.
Berket Semon, afhayeenka xukuumadda Itoobiya isagoo
hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu uga digay xoogagga
ururada Islaamiga ah ee Somalia inaanu ku deg degin
waxwalba oo dhibaato u keeni karaya sii jiritaanka mustaqbalkooda
iyo meelaha ay maamulaan, isagoo dhinaca kalena sheegay
in xilligan aanay xukuumadda diyaar u ahayn inay faragelin
militari ku samayso dalka Soomaaliya.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.