Hogaamiyayaasha dalalka ku jira urur goboleedka IGAD
oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Sirte ee dalka
liibiya ayaa waxay kaga wada hadleen xaaladda dalka
Soomaaliya iyo dagaallada ay xoogagga Mucaaradka kula
jiraan dawladda federalka Soomaaliya oo ay sheegeen
inay qarka u saaran tahay inay burburto.
Hoggaamiyayaasha dalalka Sudan, Kenya, Itoobiya, Jabuuti
iyo Soomaaliya oo ku jira urur goboleedka IGAD ayaa
waxa ay ku tilmaameen Soomaaliya inay ay qarka u saaran
tahay in ay qabsadaan kooxaha mayalka adag, waxayna
si weyn u lafa gureen sida ay ka yeelayaan baaqa dawladda
federalka Soomaaliya oo ay ku dalbatay in faragelin
lagu sameeyo dalka Soomaaliya taasi oo ay ku tilmaameen
inuu mid ay xaq u leedahay dawladda federalka inay taageero
militari waydiisato wadamada deriska ah.
Kulankan ay yeesheen hoggaamiyayaasha urur goboleedka
IGAD oo dhowr saacadood qaatay ayaa waxa ay ugu dambeyntii
isku raaceen baaq loo diray golaha Golaha Amaanka ee
Qaramada Midoobey kaasoo lagu dalbanayo in dib loogu
noqdo qaraarkii ka xanibayey wadamada derisku in ay
geli karaan Soomaaliya si ay sharciyad ugu helaan inay
gudaha u galaan Soomaaliya oo ay taageeraan dawladda
federalka Soomaaliya.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.