Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Taliyihii ciidamada Anmmaanka Maxkamadaha Islaamiga ee degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo isku dhiibay ururka Xisbul Islaam

July-02-2009 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Taliyihii ciidamada Ammaanka Maxkamadaha Islaamiga degmada Beledweyne ee taabacsan dawladda federalka Soomaaliya Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayaa la xaqiijiyay inuu saqdii dhexe u talaabay dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne halkaasina uu isku dhiibay xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada ayaa waxaa la sheegay in uu la goostay labo gaari oo mid ka mid ah uu yahay gaadiidka dagaalka ah iyo in ka badan 50 askari oo horay uga tirsanaa ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan dawladda federalka Soomaaliya kuwaasoo hadda la xaqiijiyay inay ku biirinayaan xooggga Xisbul Islaam.

Taliyaha ciidamada Ammaanka maxkamadaha Islaamiga degmada Beledweyne Sheekh Ibraahim Yuusuf oo hadal kooban saxaafada siiyay ayaa waxa uu sheegay inuu ka soo goostay Maamulkii Maxkamadaha islaamiga gobolka Hiraan ee taabacsan dawladda federalka isla markaana uu ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Hawl wadaag ee galbeedka magaalada Beledweyne, wuxuuna intaasi ku daray inay wada hadallo u socdaan saraakiisha Xisbul islaam, saacadaha soo socdana ay si wada jir ah saxaafadda u qaban doonaan shir jaraa’id.

Goosashada Taliyihii ciidamada Ammaanka degmada Beledweyne ee Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli saacadihii ugu dambeeyay ay soo shaac baxayeen khilaaf soo kala dhex galay Madaxda iyo saraakiisha Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan taasoo sababtay in Sheekh C/raxmaan Mocow oo aha guddoomiyii maamulkaasi looga yeero magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
E-mail: cowslafil@cowslafil.com.

Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn