Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Dawladda federalka iyo xoogagga Mucaaradka oo guulo ka sheegtay dagaallo shalay ka ku dhex maray qeybo ka mid ah degmada Kaaraan

July-02-2009 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Saraakiil u kala hadashay dawladda federalka Soomaaliya iyo xoogagga ka soo horjeeda ayaa waxay guulo ka sheegteen dagaallo qaraar oo shalay gelinkii dambe ilaa xalay ku dhex maray qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kaasoo gaystay qasaare nafeed oo soo gaaray dad rayid ah.

Afhayeenka militariga dawladda federalka Soomaaliya Farxaan Carsaanyo oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kooxoo uu ku tilmaamay inay yihiin nabad diid gacan ka helaya dambilayaal caalami ah ay gabbal dhicii weer ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda federalka, wuxuuna intaasi ku daray in ay iska caabiyeen isla markaana ay dib ugu celiyeen goobihii ay ka soo duulaan tageen.

Farxaan Carsaanyo wuxuu sheegay in dagaalkaasi ay cidamada dawladda federalka gacanta ku dhigeen labo ka mid ah dagaal yahanada ajnabiga oo dagaalka ula jiray kuwaasoo uu sheegay inay saxaafadda u soo bandhigi doonaan, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada dawladda federalka ay ku durkeen aagag ay horay ugu sugnaayeen xoogagga ka soo horjeeda oo ku yaalla degmada Kaaraan.

Dhinaca kale afhayeenka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo isagana la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin guusha ay sheeganayaan saraakiisha dawladda federalka oo ay ku daboolayaan qasaaraha iyo jabka soo gaaray, wuxuuna intaasi ku daray inay Mujaahidiinta la wareegeen gacan ku haynta goobo muhiim, isagoo dhinaca kalena beeniyay inay jiraan rag ka tirsan Mujaahidiinta oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dawladda federalka Soomaaliya.

E-mail: cowslafil@cowslafil.com.

Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn