Guddiga Fulinta Midowga Afrika oo maalintii labaad
uu kulan uga soconaya magaalada Sirte ee dalka Liibiya
ayaa lagu warramayaa inay maanta gabagabada kulankooda
ka soo saaraan bayaan ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka
dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka ee aafeeyay qaar
ka mid ah dalalka qaaradda Afrika.
Kulankan oo uu shirguddoominayo madaxweynaha dalka
Liibiya ahna hoggaamiyaha ururka Midowga Afrika ee xilligan
Mucamar Al-qadaafi ayaa waxaa intii uu socday si weyn
loogu falanqeeyay dhibaatooyinka iyo dagaallada ka taagan
dalalka Soomaaliya, Suudaan, muran xuduudeedka u dhexeeya
dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Jabuuti iyo aafooyinka
dhaqaale ee haysta dalalka ku yaalla Qaaradda Afrika.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen inta badan Madaxda
dalalka Afrika, goobna ay ka yihiin wakiillo ka socda
beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedyada
ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda
dalka Soomaaliya iyo dagaallada ay xoogagga Mucaaradka
kula jiraan dawladda federalka Soomaaliya, iyadoo halkaasi
lagu soo bandhigay istaraatiijiyadda ay dalka Soomaaliya
u leedahay kooxo ay ku tilmaameen kuwo mayal adag oo
gacan saar la leh shabakadda Al-qaacidah.
Waxaa maanta lagu wadaa saacadaha dambe in kulan gaar
ah oo xasaasi ay oo hoggaamiyayaasha dalalka Midowga Afrika
ka yeeshaan xaaladda dalka Soomaaliya isla markaana ay
gabagabada shirkaasi ka soo saaraan go’aanno wax
looga qabanayo xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii loo
dhamaystiri lahaa tiradii ciidamada Midowga Afrika ee
horay loogu yaboohay dalka Soomaaliya.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.