Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiid
dagaal oo aad u fara badan ayaa waxay xalay soo gaareen
tuulada Ceel gaal oo 15 km u jirta dhinaca waqooyi bari
kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka
Hiiraan halkaasoo ay saakay ka wadaan dha-dhaqaaqyo,
sida ay xaqiijiyeen dad reer guuraa ah ku sugan nawaaxiga
tuuladaasi.
Ciidamadan Itoobiya ee xalay soo gaaray deegaanka Ceel-gaal
ayaa waxay ka soo kicitimeen isgoyska Kalabayrka oo
ay muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaayeen, waxayna
ciidamadaasi oo aad u hubeysan ay u muuqdaan kuwo qorshaynaya
inay gaaraan magaalada Beledweyne, sida ay sheegayaan
wararka laga helayo halkaasi.
Dhinaca kale Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo
Xisbul Islaam ayaa lagu soo warramayaa in heegan buuxa
la geliyay isla markaana ay difaac ka galeen deegaanada
Tre-jante iyo Nuur-fanax oo aan ka fogayn magaalada
Beledweyne, iyadoo saraakiisha xoogagaasi ay sheegeen
inay la dagaalamayaan ciidamada Itoobiya haddii ay isku
dayaan inay soo galaan magaalada Beledweyne.
Imaanshaha ciidamada Itoobiya ee tuuloyinka hoos yimaada
magaalada Beledweyne ayaa waxay imaanaysaa xilli Maamulkii
Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan dawladda federalka
ee ka talinayay bariga magaalada Beledweyne uu qarka
u saaran yahay inuu burburo kaddib markii taliyihii
ciidamada ammaanka ee maamulkaasi uu isku dhiibay xisbul
Islaam halka xubno kale oo muhiim ahna ay is casileen
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.