Waxaa saakay xaalad deggenaansho oo aan sidaasi u buurneyn
laga dareemayaa goobihii ay shalay gelinkii dambe ilaa
xalay ay dagaallada culusi ku dhex mareen ciidama dawladda
federalka iyo xooggga ka soo horjeeda ee degmada Karaan
iyadoo halkaasi weli laga maqlayo rasaas teel-teel ah
oo ay labada dhinacba ridayaan.
Inkastoo aanay jirin saakay wax iska hor imaad ah toos
ah oo dhacaya haddana waxaa suurto gal ah mar walba
inuu dagaal qarxo maadaama ay dhinacyadii halkaasi ku
dagaalamay weli isku hor fadhiyaan, isla markaana ay
labada dhinaca soo gaarayaan ciidamo gurmad ah.
Dagaallada shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacay
qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa
waxay saameyn xooggan ku yeesheen xaadafo maalmihii
ug ugu dambeeyay laga dareemayay deggenaansho isla markaana
ay qoysaska halkaasi ka barakacay qaarkood ay quudaraynayeen
inay dib ugu laabtaan.
Dhinaca kale waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay
dagaalkii iyo duqeyntii shalay gelinkii dambe ilaa xalay
ka dhacday degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, waxaana
la xaqiijiyay inay dagalladaasi ku dhinteen in ka badan
10 qofood, halka ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen
kuwaasoo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.