Wasiirka arrimaha dibadda dawladda Kenya Moses Watangula
oo ka qayb galay kulankii hordhaca ahaa ee wasiirrada
arrimaha dibadda dalalka Midowga Afrika ay ku yeesheen
dalka Liibiya ayaa waxa uu ka codsaday golaha fulinta
ee Midowga Afrika in ay aragti mid ah oo cad ay ka qaataan
xalinta rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya.
Moses Watangula oo baaq u jeedinayay Hogaamiyayaasha
dalalka Midowga Afrika oo kulankoodii 13aad maanta ku
yeelaya magaalada Sirte ee dalka liibiya ayaa waxa uu
sheegay in Soomaaliya ay ku sugan tahay xaalad khatar
ah, haddii lagu guul darraysto in wax laga qabtana aysan
shaki ku jirin in ay saamayn ku yeelan doonto gobolka
geeska Afrika oo dhan.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Moses Watangula
ayaa sidoo kale sheegay in wadamada urur goboleedka IGAD
ay si weyn isugu raacaan in cadaadis xooggan oo cunaqabeyn
ay wehliyaan kuwaas markii danbana keenta in ay soo deg
degto xanibaadaha golaha amaanka uu ku doonayo in lagu
cuna qabateeyo.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.