Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka Soomaaliya
oo lagu magacaabo Shariif Saafi Rooble ayaa xalay saqdii
dhexe ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada
Muqdisho, halkaasoo uu in muddo ku xanuunsanayay, sida
ay warbaahinta u xaqiijisay Khadiijo Maxamed Diiriye
oo ka mid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaanka geeriyooday ayaa lagu soo warramayaa in
muddooyinkii ugu dambeeyay ay la soo darseen xanuuno
kala duwan isla markaana la dhigay isbitaalka Madiina
halkaasoo dhakhaatiirta ku sugan ay dadaal dheeraad
ah u sameeyeen sidii uu u caafimaadi lahaa, balse xalay
saqdii dhexe ayay tii Rabbi u timid oo uu geeriyooday.
Marxuum Xildhibaan Shariif Saafi Rooble ayaa noqonaya
xildhibaankii saddexaad ee ku geeriyooda magaalada Muqdisho
tan iyo markii la mideeyay baarlamaankii TFG-da iyo
isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya, iyadoo labo ka
mid ah xildhibaanadaasi siyaabo kala duwan loogu dilay
magaalada Muqdisho.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.