Xaflado lagu xusayay Munaasibadda Maalinta Xorriyadda
1-da Luulyo oo ku beegan 40 guuradii ka soo wareegtay
Markii ay gobollada koonfureed ka xoroobeen gumeystaha
Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo
Koonfur ayaa waxa xalay ay ka kala dhaceen magaalada
Muqdisho iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.
Munaasibad ay soo agaasimeen Maamulka gobolka Banaadir
laguna waynaynayay xuska Maalinta 1-da Luulyo ayaa waxaa
xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir ee degmada
Xamarwayne, halkaasoo xalay saqdii dhexe lagu saaray
calanka shacabka Soomaaliyeed lagu yaqaano ee midabkiisu
baluugga yahay, dhexdana ay kaga taallo xiddigta shan
gees leh ee muujineysa Soomaali-weyn.
Xafladdaasi waxaa ka soo qayb galay isla markaana hadal
ka jeediyay Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda
federalka Soomaaliya, Talisyada ciidamada Booliska iyo
xoogga dalka, Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir
ee iyagu soo qaban-qaabiyay xafladdaasi, kooxda Baambeyda
iyo fanaaniinta Hobollada Heegan, waxaana hadallo ka
jeediyay Taliyaha ciidanka Booliska Gen. Cabdi Xasan
Cawaale Qaybdiid, Wasiiru dawlaha gaashandhigga Sheekh
Yuusuf Indhacadde, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo
ku xigeenkiisa Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur iyo C/fitaax
Shaawey.
Dhinaca kale Munaasbado lagu waynaynayay 1-da Luulyo
ayaa xalay waxay si kala gooni gooni ah uga dhacday
degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud sida Dhuusamareeb,
Caabudwaaq iyo Cadaado, halkaasoo ay isugu soo baxeen
dadwayne fara badan oo halkaasi ku soo bandhigay cayaaro,
gabay iyo erayo kale oo lagu waynaynayo Munaasibadda
1-da luulyo.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.