Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya Sheekh Shariif
Sheekh Axmed oo isagoo ku sugan magaalada Sirta ee dalka
Liibiya, lana hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu hambalyo
u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasibadda
1-da Luulyo oo ku aaddan xoroobiddii gobollada koonfureed
ee dalka Soomaaliya iyo is raacii labada gobol ee Waqooyi
iyo koonfur.
“Waxaan jeclahay inaan shacabka Soomaaliyeed
hambalyo u diro munaasibaddan qaaliga ah ee 1-da Luulyo,
waxayna na xusuusineysaa halgankii dheeraa iyo dhiiggii
faraha badnaa ee loo soo daadiyay gobonimada dalka Soomaaliya,
inkastoo ay nasiib darro tahay maanta meesha ay wax
joogaan iyo waxa dalka ka jira, haddana waa inaan is
xusuusino xoriyaddaas dadka soo abaabulay oo ahaa niman
dhallinyaro ah oo 13-ka kooban sanadkii 1943-dii”
ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay
inay jiraan hawl adag oo hor yaalla oo ay waajib tahay
in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay u wada istaagaan,
wuxuuna intaasi ku daray inay Kalsooni buuxda ku qabaan
Alle (SW) oo ay dib u soo celin doonaan midnimada, qaranimada
iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka
xarriiqay in wixii karaankooda aysan ka hagran doonin
Soomaalida.
Hambalyada uu madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay Shacabka
Soomaaliyeed ayaa waxay imaanaysaa xilli habeenimadii
xalay magaalada Muqdisho iyo degmooyin ka tirsan gobolka
Galgaduud lagu qabtay xaflado iyo munaasibadi lagu waynaynayo
xuska maalinta 1-da Luulyo, inkastoo gobollada kale
ee dalka aanay jirin haba yaraatee dad isku soo hadal
qaaday, isla markaana shakiba la geliyay jiritaanka
maalintaasi.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.