Maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo ayaa waxay shaaciyeen
inay cafis u fidiyeen xubnihii ka tirsanaa Maamulkii
hore ee gobolka Gedo ee dawladda federalka Soomaaliya
oo haatan ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo halkaasi
oo ay ka wadaan guluf colaadeed oo ay doonayaan inay
mar kale ku hantaan gacan ku haynta degmooyinka gobolka
Gedo oo ay maamulaan xoogagga Xisbul islaam iyo Al-shabaab.
Afhayeenka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo Sheekh Farxaan
Cabdi Cilmi Mooge oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa
uu sheegay inay cafis u fidiyeen xubnihii Maamulkii
hore ee gobolka Gedo ee ku sugan degmada Doolow, wuxuuna
ugu baaqay xubnahaasi inay ka faa’idaystaan cafiska
loo fidiyay isla markaana ay dib ugu soo laabtaan guryahooda,
waxna la qaybsadaan walaalahooda.
“Ma doonayno in lagu kor dagaallamo shacabka
gobolka Gedo oo ay abaaruhu halakeeyeen, waxay u baahan
yihiin nabad, waxaana waajib ah in nabaddaasi laga wada
shaqeeyo oo miiska wada hadalka laysugu yimaado”
ayuu yiri afhayeenka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo Sheekh
Farxaan Cabdi Cilmi Mooge oo intaasi ku daray inay cafiska
ay u fudiyeen xubnahaasi uu furan yahay.
Hadalka afhayeenka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo ee
ku aadan inay cafis u fidiyeen xubnihii Maamulkii dawladda
federalka ee gobolka Gedo ayaa imaanaya xilli muddooyinkii
ugu dambeeyay ay Masuuliyiinta, saraakiisha iyo xildhibaanada
ka soo jeeda gobolka Gedo ay ku goodinayeen inay weerari
doonaan oo ay dib gacanta dawladda ugu soo celin doonaan
degmooyinka gobolka Gedo.
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.