Welcome to Cowslafil.com
 

 

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Soomaalida ma muslimbaa mise waa Soomaali.??
Qormo iftiiminaysa marxaladda dhabta ah ee Somalida Kenya ku nool.

Janaury-23-2010 Cowslafil -Muqdisho- Somalia

Dadku waa danleey qofba qaab ayuu ku joogaa wadankan Kenya inkastoo Soomalida inteeda badan ay guddaha Kenya ku soo bateen sagaashameeyaddii wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya hadana marba marka ka dambeysa wey soo galayeen iyagoo ka sameystay saldhigyo badan oo ganacsi,deegaan iyo waxbarasho isugu jira.

Hadaba kadib markii dagaal adag ay isaga horyimaadeen ciidamaddii maxaakiimta iyo huwanta xabashida / itoobiyaanka oo xoog kula wareegay inta badan goboladda dalka Soomaaliya dhamaadkii 2006-dii oo uu ku jiro Gobolka Banaadir ama caasimadda Muqdisho ayaa waxaa si xowli ah u socday in dad badan oo ka cararaya dagaaladda ay sidoo kale guddaha u soo galaan dalkan Kenya.

Soomaalida ayaa iyagu loo kala saaraa qeybo hadana waxaa jira in deegaano balaaran ay ka dagaan dalka gaar ahaan goboladda waqooyi barri inkastoo aanan anigu u kala saareyn sababtoo ah dhibaatadda waa mid saameyn kuwada leh guud ahaan Soomaalida si walboo ay noqoto.

Dhibaatada Ugubka ah ee la soo gudboonaatay.

Iyadoo awalba ul booc ah loogu kutubayay Soomaalida iyo ganacsigooda ayaa hadana waxaa timid arin ku saabsan wadaad u dhashay Jamaica oo lagu magacaabo Sheikh Abdulla Faisal oo dowladda Kenya ay ku eedeysay in uu yahay nin dambiile ah sidaa daraadeedna ay wadankeeda ka musaafurinayso ayaa waxaa soo baxay in guddi culimo muslimiin ah oo Kenya ka dhisan kuwaasoo sheegay in aanan la aqbali Karin iyagoo sidoo kalana ku dhawaaqay in la sameeyo dibadbaxyo lagu diidan yahay in wadaadkaa la musaafuriyo.

Hadaba waxaa habeenkii xigay maalintii la sameeyay dibadbaxa soo galay guddaha xaafadda ay Soomaalida ku badan yihiin ee Islii Ciidamo hubeysan oo wata gaadiidkii ay dadka ku daabuli lahaayeen, waxayna u dhaceen qaar badan oo kamida Hoteladda ay Soomaalida seexato.

Looma kala soocin marti, musaafur, mid mas’uul ah, mid muraad leh iyo mid kaloo deegaan ama ganacsi ku leh meesha oo waa lawada xareeyay intii gacantooda soo gashay tiiyoo ay kamid ahaayeen mas’uuliyiin dowladaa Soomaaliya oo qaab sharci ah ku joogay waana murugo sidoo kale u soo hoyatay qarankii kol hore jabay ee weli isu too toosintiisu socoto.

Maaha kaliya magaaladda caasimadda ah ee Nairobi ee waxaa sidaa oo kale loo dhacay gobolo badan oo ay Soomaalidu ku nooshahay oo ay ku jiraan goboladda ay dalkan ka dagaan.

Soomaalida ma muslimbaa mise waa Soomaali.??

Wadaadku waa Muslim sida la sheegay, Soomaaliduna waxay kamid yihiin bulshadda Muslimiinta ah ee ku nool Kenya hadaba maxaa sababay in iyaga kaligood la bartilmaameedsado, guryaha loogu galo, wadooyinka loo istaago la qab qabto oo xabsiyadda laga buuxiyo.

Dhibaatadda qab qabashadda iyo xiridda maaha mid haatan bilaabatay, kol hore wey qabeen dhibkaas Soomaalida iyadoo lagaco baad ahna looga qaadi jiray hadase waxay noqotay qaab jamaaci ah oo loo soo bareeray waxaanse garan waayay waxa Soomaalida ka dhex saaray Muslim-ka oo dhamaan dareen ay muujiyeen Muslimiinta madow iyo cadaan leh ee ku nool Kenya iyaga kaligood loogu bartilmaa-meedsanayo, tiiyoo aysan wax shaqo ah ku laheyn arimaha soconaya.

Su’aasha ah Soomaalidu ma muslim baa jawaabteedu waa HAA, Laakiin iyadoo ay sidaa tahay hadana waa Soomaali waana sababta looga dhex saaray Muslimka oo kaligood loo ugaarsanayo.

Marka aan leeyahay waa Soomaali waa dhab in aanu nahay Soomaali, ma lihin nidaam mideysan, ma lihin madax gaar ah ama jaaliyad aan ku mideysanahay oo kula xisaabtanta dowladdan aan dariska nahay misana abaalka aan u galnay iyana noo heysa dhibka ay ka fiirsasho la’aanta noogu geysatay.

Isbarbaryaac, Diidmo, qilaaf iyo kala qubnaan waa waxa caadada noo ah ee nalagu bartay misana nalooga faa’iideystay, waxaan hubbaa haddii maanta aan lahaan laheyn jaaliyadd leh hal hogaan isu duba ridan oo shaqeynaysa lehna qaab shaqo wanaagsan iyo qareeno u dooda in dhibkaan oo dhan uu dhici lahayn.

Waa tuu allaha u naxariistee Abwaan Yam-yam ka yaabay dhaqanka Soomaalida iyo xasuus la’aantooda ku aadan dhibkii ku dhacay iyo kan maanta haysta isagoo mariyay tixdan “WAJI MURUGO QARISOO MASHAQOOYINKII DHACAY KA MADLUUNSAN MA ARKEE, MASKAXDIYO AQOONTII MIYAY SOO HILMAAMEEN....MA HURDAAN MA TOOSAAN MISE MAAL-MIHII TAGAY WAX ABUURAN MAAHEEN.

Haddii guud ahaan Muslim-ka ku dhaqan Kenya fal uu sameeyay loogu dhibaateynayo Soomaalida kaliya waa in sidoo kale ay ka dhiidhiyaan, waa in ay caqligu shaqeeyaa oo la isku tashadaa maahan in Muslinimo la isugu soo gambado oo fidno la kiciyo dhibaatadda ka dhalatana ciqaabteeda ay Soomaalidu maraan.

Alshabaab.!!

Owrkacsiga ama halkudhiga ayaa noqday in Soomaali oo dhan ay yihiin Alshabaab, Dibadbixii rabshadaha huwnaa ee ka dhacay bartamaha townka jimcadii tagay waxaa la yiri waxaa isu soo duba riday oo ka dambeeyay dhaq-dhaqaaqa hubeysan ee ka dagaalama guddha Soomaaliya ee Alshabaab.

Anigu goobjoog baan u ahaa, waxaana filayaa in kudhawaad sedex sanadood oo xiriir ah aan salaada jimcadda ku oogay masjidka, Jamia jimco aan safar ku maqnaa ama shaqadda fasax ka ahaa mooyee, Qudbadii salaada oo socota baan tagay indhahayga waxay qabteen warfidiyeeno iyo kaamirooyin lala taagan yahay irida masaajidka laga galo.

Salaadii kadib ayaa waxaa bilaabatay Takbiir, Allahu Akbar… Takbiir Allahu Akbar.. waa Markey indhaheygu qabanayeen calanka ashahaadka ku qoran yahay, sawirka sheekha la musaafuriyay iyo dhalinyaro u badan u badan madow muslim ah oo qaarkood cimaamado wajiga ku duubtay oo hareeraha marayay.

Markiiba waan isaga soo dhaqaaqay, iyadoo rasaas la ridayana aan maqlayay, maaheen ee sidoo kale jimcaddii ka horeysay ayaa iyana sidoo kale la sameeyay inkastoo wax rabshado ah aysan dhicin, wax Soomaali ah oo howshaas faraha kula jirana il ma saarin marka laga reebo in Soomaalida ay dhaqan u leeyihiin meelo is istaaga iyo iyagoo isa suga oo wadooyinka ku sheekeeysta.

Qofkii la arkaba waa Alshabaab, Laakiin sharuuda waa in uu Soomaali noqdaa, waan garan waayay waxa hoos ka riixaya, mar baan is iri hoos baa la iskala socdaa oo Soomaali waa loo heshiiyay, Kuwana waxaa la yiri calanka madow ruxa, afkana cimaamad ku duubta oo dhagaxaan tuura.

Haddii howshu eheed qiiro musliminimo iyo muujin in laga xun yahay musaafurinta ninkaa maxaa loo boobay ganacsigii Soomaalida meesha ay ku leheed, Maxaa loo farfiiqay Soomaalida, maxaase durbadiiba weerar loogu qaaday xaafadda kaliya ee ugu badan oo ay ka dagan yihiin caasimadda.

Kenya, Kibaki-gooda iyo KRA-dooda.

Waa dhab in xushmad darisnimo aan u heyno Kenya iyo abaal ah in aan dalkeeda ka dhiganay dalkeenii oo kale iyadoo caasimadooduna aan u camirnay si aan caadi ahayn, Maaha in ay is moogeysiiyaan abaalka aan ku leenahay sidoo kale.

Madaxweyne Kibaki waa in maskaxda ka shaqeysiiyaa Soomaali mawada aha Shabaab iyagii ayaa dhibaato dalkooda uga soo cararay, intii ka hartayna ee ku hal adeegtay in wax sii bartaan ama dadka gargaaraan waa tii qoorta qaarkood laga wada gooyay oo qaraxii Shamo ayaa u dambeeyay.

Soomaalidu intooda badan haatan 20 sanno ayay joogaan halkan, in ay dhismayaal sameeyaan, ganacsiyo abuuraan horumar iyo isdhexgal sameeyaan maahane dhib kale mey geysan waxayna marka laga soo tago dhaqaalaha adag ay wadanka soo geliyeen sidoo kale daqli culus galiyaan sanduuqa ama canshuuraadka dowladda ee qaado Kenya Revenue Authority (KRA).

Waxa intaa sii dheer in dhamaan hey’adaha Soomaliya ku shaqadda leh, safaaradaha, xarumaha kale ee aan la xisaabin Karin ay sababeen in caasimadda Nairobi ay camiranto oo ay isu qabato howshii caasimadda Muqdisho iyo tii iyada u gaarka aheed.Tirsi malahan inta guryo ee kiro loogu jiro, inta ganacsi ee lala wadaago, inta shaqsi ee mushaar la siiyo iyo inta uga soo xaroota xaafadda Soomaalida kaliya.

Gaba-gabo

Haatan dadkii hoos ka guuxayay iyo Hindi-dii ganacsiga lagu cariiriyay waa kuwan helay furasaddan, qaabkii warbaahinta wax badan wey ku qaadi waayeen hadase wey ku qanacsanyihiin qaabkan loola dhaqmay Soomaalida.

Waxaa muslimiinta ku dhaqan Kenya gaar ahaan hey’adahan sheegtay in ku dhawaaqeen in loo banaanbaxo halkan nin looga fadhiyaa in ay Soomaalida ka maslaxeeyaan magna ka siiyaan dhibaatadda dhaqaale iyo xarig ee lagula kacay. Walibana la saftaan oo ka hadlaan arintan.

Waxaan jira guux hoose oo ay qabaan dadka qaar waana dareen dhab ah oo xaqiiqo noqon kara iyadoo la sheegay in xarig jiid adag oo ka dhaxeeyo xubnaha u baratama kuraasta baarlamaanka ee dalkan Kenya in dhankooda kaga jira ololaha lagu ugaarsanayo Soomaalida.

Balse waxaan kula talin lahaa in ay ganacsatadooda, mas’uuliyiintooda iyo siyaasiyiintooda ka kala tirsan xukuumadaha Somalia iyo tan Kenya u duubtaan sidii loo badbaadin lahaa maatida Soomaaliyeed ee soo maciin biday dalkan dariska ah maadaama haatan aan laka saarin oo dhibaatadu ay taabatay min Mandheera ilaa Gaarisa.

Cabdifitaax Cali Aadan
cabdifitaaxcali@hotmail.com
Nairobi.


E-mail: cowslafil@cowslafil.com


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn