


shacabka ku Nool Magaalada
Hargaysa ayaa fariimaha la iskaga Diro SMS-ka
waxay hanbalyo ugu Dirayaan shirkada Isgaarsiinta
casriga ah ee Nationlink, Kuwaasi oo ugu Hanbalyeeynaya
hanaanka Isgaarsiineed oo ay ku soo kordhisay
Gobolka ama somaliland.
Waxay dadkani si Xowli ah oo
Raxan raxan ah ugu sii Qul qulayaan Shirkadani
Xafiiska ugu wayn oo ay ku leedahay Hargaysa
oo ka soo Horjeedo Xarunta Dhexe ee shirkada
Dahabshiil.
Dadkani ayaa u baqoolaya sidii
ay Baahidooda Isgaarsiineed ugala Qeyb qaadan
lahaayeen shirkadani, oo hanaan Isgaarsiineed
iyo adeegyo kale ku soo Kordhisay Hargaysa.
Marka aad tagto ama aad u dhawaato
Xafiiskani way kugu adkaanaysaa in aad la hadasho
Qeybta Xiriirka dadweynaha ama aan Iraahdee
Saleska, Maxaa yeelay waa Laga soo Horeeyay
oo waa in ugu yaraan aad Feelka wax ka gashaa
si aad u hesho Carka shirkadani oo ah mid Qiima
jaban aad ku helaysid Dal iyo Dibad, ama waa
in Dhalinyarada Baalashlayaasha aad siisaa Xoogaa
Qidmad ah si ay Booska kuugu sii Qabtaan, Balse
waa Nasdiibkaa hadaad Noqoto 75-1010-195- Hadba
nasiibkaaga ayaa Cunaysaa oo aad ku hadlaysaa.,
Ayada oo shirkada isgaarsiinta
Nationlink ay ka mid tahay shirkadaha Isgaarsiinta
ka jira ee Somaliland, awalna Magaceedu ahaa
STC ayaa waxaa Moodaa in Haykalkii shirkada
ay haatan tahay mid caadka ka sii baxayo oo
Horumar la taaban akaro ku sii talaabsanaysa.
Waxaa ka Jira marka aad timaado
Somaliland shirkado badan oo isku Howlay in
ay dadka gaarsiiyaan adeega Talefanada iyo Internetka,
kuwaasi hadba wax ku soo kordha Caalamka.
Marka aad soo Gasho ama aad
u soo Dhawaato Daaraha Dhaadheer ee Quruxda
badan ee ku yaala Agagaarka Farasmagaalaha Hargaysa
waxay ishaau qabanaysaa Fooq ka mid ah Fooqyada
ugu Qurxoon oo Xafiiskeeda ku yaala Shirkada
Nationlink Somaliland .
Taasi ayada oo ay jirto ayaa
shirkadii STC haatana u Xuubsiibatay Nationlink
Somaliland aya Waxay Tahay shirkad Waxbadan
ku soo kordhisay hananka Isgaarsiineed ee Casriga
kana Hirgalay Caasimada Hargaysa.
Nationlink Somaliland ayaa
Waxay Baryahan ku Howlaneed sidii ay u fahamsiin
lahayd dadka dagan Gobolada Somaliland in isticmaalka
Shirkadani uu yahay mid Casri ah, kana Hirgalay
inta Badan Gobolada aan soo sheegnay.
Shirkadani ayaa waxay tahay
shirkada si aad ah looga isticmaalo adeegeeda
Gobolada Koonfureed gaar ahaan Caasimada Muqdisho,
ayada oo lagu Tilmaamo in ay la baratamayso
shirkada Hormuud wallow dadku ay ku tilmaamaan
ina shirkadani Tahay mida labaad ee ugu isticmaalka
Badan Soomaaliya.
Si aan arintaas wax uga Ogaano
ayaan waxaa manta Booqanay Xafiiska Shirkadani
oo ku yaala farasmagaalaha Hargaysa, anaga oo
ka Duulayno Horumarka ay Bilihii ugu Danbeeyay
dadka Somaliland ku amaaneen wax qabadka shirkadani.


Waxaan kula kulanay Xafiiskiisa
C/raxiin Maxamed IBraahim oo ah Madaxda Dhinaca
Xiriirka dadweynaha ama aan Iraahdee Public
Relation oo aan Wax ka waydiinay qaabka Shaqo
ee shirkadani oo Baryahan ahayd mid ay ku faanaan
shacabka Hargaysa iyo Gobolada ku Xeeran.
"axaan ku soo kordhinay
Shirkada Nationlink dhamaan waxaan ku Samaynay
is Badal ayaan dhihi karnaa, ka soo qaad hada
waxaan wadnaa in aan Guud ahaan dalka is balaarin
ka samayno oo aan Oran karo Mudo dhaw waxaan
daboolnaa 80%, waxaa la Xoojiyay Network hore
oo ay shirkadu ku shaqayn jirtay ama Dib u
habayn lagu Sameeyay” ayuu Yiri C/raxiin Maxamed
IBraahim oo aan kula Kulanay Xafiiskiisa
" Waxaa lagu soo kordhiyay
adeegyo Cusub oo aan Horay ugu jiri Jirin
Somaliland oo aysan lahaan jirin shirkadii
aanu ka dhaxalnay ee STC, sida in aan Qiima
dhimis ku Samayno Wicitaanka Dibada iyo Gudahaba,
waxaana shirkad ahaan ku faani karnaa in uu
isbadal ku yimid Hanaankii Isgaarsiineed ee
shirkadani.
" dadku Mar walba way
na soo Wacaan ayaga oo noogu hanbalyeynaya
Horumarka aan Gaarsiinay, sida Shirkada Isgaarsiinta
ee ka dhisan dalka marka la eego fariimaha
SMS-ka waa laga Dirsadaa Balse shirkadeenu
waxay uga Duwantahay Dibad iyo dal wa laguu
soo Jawaabayaa taasi ayaan uga Duwanahay shirkadaha
kale, oo Fariintii aad u Dirtay Yurub ama
Maraykanka waa lagu soo jawaabayaa.
" Waxyaabaha aan hada
wado waxay tahay in aan isku balaarino Gobolada
si aan adeega Fisiixa ah ee Nationlink aan
u gaarsiino Bulshada mar Walba naga Codsanaysa
in aan adeegan wanagsan aan gaarsiino, Gobolada
aan hada gaarnay waxaa ka mid ah Goboldfa
Awdal Magaala Madaxdiisa Boorame, Gobolka
Sool, Gobolka Togdheer, Gobolka Sanaag iyo
Gobolo kale, Waxaan Rajaynaynaa in Nationlink
Somaliland ay Gobolada dalka ku dhamaystirmi
Doonto Haduu alle idmo.
" Waxaa kale oo jira
in Shirkada Nationlink ay isWici karaan Shirkadaha
ay ka midyihiin Telecom, Somtel oo ayadu dhawaan
hawada soo gali Doonto oo aan Rajaynayno in
ay arintaasi Hirgali doonto, taasi ayaan Horumarka
la taaban karo ka mid ah, taasi oo la dhihi
karo waa wax aysan shirkadaha kale Qabin oo
ay u gaar tahay shirkada Nationlink oo Kaliya
in ay is Wacaan.
" Waxyabaha kale oo
aan qabano waxaa ka mid ah adeegyada Bulshada
anaga oo dhignay Koobkii Jaamacadaha ay ku
tartamayeen kii Basked Bolka iyo adeegyo kale
oo Bulshada wax u taraya, maadaama hanaanka
shirkadani uu yahay in loo adeego Bulshada
ay u shaqayso” ayuu yiri C/raxiin Maxamed
IBraahim oo ku tilmaamay hanaanka Shirkadani
ay Bulshada u qabato mid Si wacan u Hirgalay.
Isku soo Duuboo shirkadani
ayaa waxaa la dhihi karaa Waxay Tahay shirkadaha
ugu Muuqaal Isgaarsiineed Wacan, ayada oo
shirkada Telesom ay ka mid tahay Shirkadaha
ka Jira Somaliland, Waxayna Bulshada indha
indheesa Hanaanka Isgarsiineed ee Caalamka
ku Macneeyeen Nationlink Daf Isgaarsiineed
oo Xiligii loo baahnaa u Timid Bulshada Somaliland.
Cabdixakiin
Cilmi Xasan
Cabdixakiin44@hotmail.com
0025-22-4157101