Wasiirka Arimaha Dibadda ee DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi
Omaar oo wareysi gaar ah aan kula yeeshey Hoteel Kempinski
ee Caasimada dalka Jabuuti waxna ka weydiiyey tilaabada
ugu horeysa ee uu qaadayo, sida ugu guuleysan kartaa
mas’uuliyadaas miisaankeeda leh, tilaabada uu
ka qaadanayo faragelinta shisheeye, sida uu ugu hawlgalayo
shaqeyn la’aanta Baasaboorka, kulankoodii ugu
horeeyey ee Golaha Wasiirada waxa layskula soo qaadey
in ay ku jireen arimaha dibadda, isagoo arimahaasi ka
hadlaya ayaa wuxuu yiri
« Tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo ayaa wuxuu
yiri « waxaan qaadeynaa Ururin macluumaad iyo
xaqiijin waxa runtu tahay ee xaalada dalka , dadka Soomaaliyeed
iyo dowlada wixii u diyaar ah, waxaana dooneynaa iney
waqti yar nagu qaadato arimahaasi, tilaabada xigta ee
aan qaadeyno waa inaan ku dadaalno aduun-weynaha, Dowlada
cusub iyo dalka xiriirkooda, safarkii ugu horeeyey ayaan
bilaabayaa 26/02/2009-ka oo aan ku tagayo Buruksalis,
waxaana filyaa inaan ka qayb galo shir looga hadlaayo
mucaawinooyinka iyo hab wada shaqeynta dowladan cusub
ee ka wada dhexeeya Beesha caalamka oo ay ka soo qayb
galayaan UN-ka, EU-da, dad ka socda dowlada Mareykanka,
African UNION iyo IGAD, waana qodob anaga fursad inoo
noqonaya »
Mar uu ka jawaabayey Wasiirkua su’aal ahayd
sida uu ugu guuleysan karo mas’uuliyadaas miisaankeeda
leh ayaa wuxuu yiri « waxaa loogu guuleysan karaa
marka hore daacadnimo iyo Iimaan Alle ku xiraasho, hadii
aysan taasi jirin sal maleh, waxaa xiga in farsamo lala
yimaado oo hawsha lagu qaban karo oo aan ahayn mid aniga
igu kooban, dadka, dhalinyarada Soomaaliyeed eeficilka
iyo dareenku ku jiro, inaan ka faa’iideysano awoodooda
iyo tamartooda, Aduunkuna aan u bandhigno inaan u hadleyno
dadka Soomaaliyeed ee aan wakiilka ka nahay, dowladda
iyo madaxweynaha dadka hogaaminaya in ay yihiin dadkii
fursada u furey in dadka Soomaaliyeed iney joogaan meel
ay waayo cusub ugu dhalan karaya »
« waa jirtaa in dad badani yiraahdaan faragelin
dibadeed oo noocyo fara badan leh, waqatigan hada lagu
jiro aniga waxaa ii muuqda, ma ahan qodobkaas, sababtoo
ah qodobkaas waxaad ka hadlikartaa marka aad adigu awood
u hayso, laakiin waxaa ka soo horeeya daruufo, inkastoo
ay muhiim tahay xiriirka dibadda waxaa inooga horeeya
in aan helno awood iyo taageero aan nabad ku dhalino
oo aan ku dejino dalka iyo dadka, cid kasta oo aan u
kaashano ka waaban meyno, dareen ama ficil la yiri wax
bay ku faragelinayaana ugu joogsan meyno, hadii nabadgelyada
waqti la siiyo oo aad dadkaadii dhisto, waxani waa wax
iska fur furmaya ee ma ahan waxani wax meel weyn jira,
waxaana haboon inaan jaanis siino dadkii Soomaaliyeed
ee barakacay si ay uga soo kabtaan dhibaatadii gaartey
oo ay guryahooda ku soo noqdaan caruutii iyo haweenkii
ay helaan caafimaad iyo wax-barashadii ee ay xaqa u
lahaayeen » ayuu ku jawaabey mar aan weydiieyey
Soomaaliya 19-kii sano ee dowlad la’aanta ka jirtey
waxaa la sheegaa in faragelin badan lagu hayo, sida
kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya, kuwa deriksa ah iyo
kuwo kale oo dahsoon, maxay tahay tilaabada aad ka qaadeysaa
arintaas .
Wasiirka Arimaha dibadda mar aan weydiiyey Baasaboorkii
Soomaaliya ay lahayd waxaad moodaa in uusan ka shaqeyn
guud ahaan caalamka, marka laga reebo dowlado yar, kii
hore iyo kan cusub ee dhowaan la sameeyeyna shacabka
Soomaaliyeedna Baasaboorku muhiim ayuu u yahay sidee
baad u hirgelindoontaa arintaas ayaa wuxuu yiri «wey
jirtaa arintaas waana waxyaabaha aan dooneyno inaan
safaaradaha Soomaalida dibadaha jooga, warbixinadoodii
baan sugeynaa iney ka soo waramaan, mowduucyada aan
ka codsaney, laakiin tan muhiimka ah waxaa weeyaan,
Baasaboorku dadkeena wey y baahan yihiin in ay helaan
loogana dhigo wax ay ka qaadan karaan dalkooda iyo safaaradaha
dibadda, inkastoo waqtigan xaadirka ah dhibaatooyinka
Baasaboorada ka yimid, waxay ku yimaadeen waxyaabihii
hore iyo qaladaadkii dhacay, marka laguma sixi karo
maalin, todobaad ama bill, waxayna u baahan tahay i
si fiican loo derso mush-kiladaha ka taagan, aragnana
dowladaha diidan iyo sababaha ay u diidayaan oo xalkoodiina
lala yimaado marka dambe, waana dhib taagan oo dadka
Soomaaliyeed ay ku dhib qabaan, waana qodob aan aad
iyo aad ula socono, waxayna u baahan tahay in jidkeedii
la mariyo ».
Maxamed Cabadullaahi Omaar mar uu ka hadlaayey tirada
safaaradaha Soomaaliya ay aduunka ku leedahay, dalku
in uu awoodo dalka safaaradahaas maalgelitooda iyo wax
qorshe ah inuu ugu jiro in la xoojiyo safaaradahaas
ama in la dhimoba ayaa wuxuu yiri «
Safaaraduhu waxaa loo furaa marka ay baahi jirto oo
la taabankaro, waana mid aduunka oo dhan ku camal fala,
laakiin wey jiraan wadamo safaarado Soomaali ay ka furan
yihiin oo safaaradahaasi ay ka mas’uul yihiin
wadamo badan, sida safaarada Iiraan waxaa hoos yimaada
oo ay maamushaa 4 wadan, sidoo kale safaaradihii Jabaan
iyo Maleessiya aan ku lahayn waxay maamuli jireen dhowr
wadan mid kasta, laakiin sidaad u kufto ayaa luu dhutiyaa,
marka awoodeena iyo ficilkeena waa iney noqdaan wax
is leh, waana qodob aad iyo aad u ogsoonahay, baahida
dalku wey badan tahay, marka diyaar uma nihin wax aan
loo baahneyn la geliyo xoolo ama maal badan, koleyba
waqti baa imaandoona oo safaaradaha lagu sameyn doono
in dib loo fiiriyo baahideena guud, halka ku haboon
in aynu safaarad ku yeelano iyo shaqooyinka ay qabtaan,
baahida guud ee dowlada xiligan waa arimaha nabadgelyada
iyo gargaarka, waxayna ku cadahay Ajendaha uu soo gudbiyey
Ra’iisul Wasaaraha Dowlada, Madaxweynuhuna meel
kasta ayuu ka sheegey arintaas ».
Maxamed Cabdullaahi mar aan weydiiyey waxyaabihii
ay iskula soo qaadeen kulankii ugu horeeyey ee ay ku
yeesheen 22/02/2009-ka Hoteel Kempinski, arimaha dibadda
maadaama isagu uu yahay Wasiirkii Arimaha dibadda ayaa
wuxuu yiri « waa lasyku soo qaadey sababtoo ah,
socdaalkii ugu horeeyey ayaan gelayaa todobaadkan, waxaana
isaaran guud ahaan xilkii dowlada ee arimaha dibadda,
si wanaagsana waa looga doodey, safarka aan gelayo iyo
waxa isaaran, waxaana loo saarey gudi soo uruuriya arimaha
jira ».
Ugu dambeyn Wasiirka arimaha dibadda DFKMG Maxamed
Cabdullaahi Omaar ayaa shacabka soo maaliyeed wuxuu
u soo jeediyey «dowladu ma ahan mid shekh-siyeed
ee waa in ay fahmaan shacabka Soomaliyeed, inaan u hawl
galayo oo aan u hiilineyno, waxaana ka codsanayaa iney
kaga dhabeeyaan, raadinta iyo u hiilinta nabadeynta,
marka xiga waxaan ugu hambalyeynayaa soo dhaweynta ay
aad ugu dhaweeyeen dowlada, Madaxweyneheeda iyo Ra’iisul
Wasaaruhuba ».
E-mail:
cowslafil@cowslafil.com.