Saraakiisha ciidamada dawladda federalka Soomaaliya
ee gobolka Hiiraan ayaa waxay si kulul u weerareen dhism
maamul cusub oo ay shalay ururka Xisbul Islaam u sameeyeen
magaalada B/wayne iyo Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Afhayeenka ciidamada dawladda federalka Soomaaliya ee
gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ayaa wuxuu sheegay
in waxba kama jiraan yihiin maamuladaasi isla markaana
aan ka tarjumeyn rabitaanka shacabka, wuxuuna intaasi
ku daray in maamuladaasi yihiin kuwo u gaar ah ururka
Xisbul Islaam oo dadka waxba ka quseyn.
Maxamed Nur Dabaashe wuxuu sheegay inuu jiro qorshe
ay wadaan kuna doonayaan in dhibaatada looga saaro shacabka
gobolka Hiiraan, isagoo intaa ku daray in mar dhow la
arki doono talaabooyin ay qaadi doonaan, wuxuuna intaasi
ku daray inay kooxahaasi xoogga ku haysta gobolka Hiiraan
falal ka baxsan Islaamka.
Hadalka Sarkaalkan ka tirsan ciidamada dawladda federalka
ee gobolka Hiiraan wuxuu imaanayaa xilli shalay ururka
Xisbul Islaam uu ku dhawaaqay maamulo cusub oo ay yeelanayaan
magaalada Beledweyn iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka
Hiiraan.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com