Welcome to Cowslafil.com
 

 

BBC Somali
BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Dawladda federalka Soomaaliya oo sheegtay inay gabagabo marayso qorshaha daabacaadda lacagaha cusub ee Shilin Soomaaliga
February-08-2010 Cowslafil -Muqdisho- Somalia
Wasiirka Lacagta Dawladda federalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay heer gabogabo ah marayso qorshaha daabacaadda lacagaha cusub ee Shilin Soomaaliga ah oo ay dhowaan heshiis arrintaasi ku saabsan ay la galeen dawladda Suudaan.

Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow wuxuu sheegay in muddo lix bilood gudahood ay lacagahaasi ku soo gaari doonaan dalka gudihiisa kuwaasi oo uu sheegay inay wax weyn ka beddeli doonaan sicirka aan fadhiga lahayn ee suuqyada iyo in laga kaaftoomi doono isticmaalka kunka Shilin Soomaaliga ee duugga noqday ee aan lahayn sarrifka.

“Lacagta cusub ee la daabacayo waxay wadataa dhammaan calaamadihii astaamaha qaranka Soomaaliyeed sida sawirrada dhismayaasha caanka ah ee Soomaaliya, wax soo saarka sida muuska, Hidaha iyo dhaqanka iyo kuwo kale” ayuu yiri Wasiirka Lacagta dawladda federalka Soomaaliya oo intaasi ku daray in lacagaha la soo daabacayo ay ka mid noqon doonaan kun Shilin, labo kun, Shan Kun, Toban Kun, Labaatan Kun iyo Konton Kun.

Wasiirka lacagta dawladda federalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow wuxuu sheegay in inta aan lacagahaasi soo gaarin dalka Soomaaliya ay ku dadaali doonaan inay ka shaqeeyaan sidii ay lacagahaasi u dhaqan geli lahaayeen, wuxuuna ka codsaday Maamul goboleedkada sida Puntland oo kale inay kala shaqeeyaan dhaqan gelinta isticmaalka lacagtan cusub ee Shilin Soomaaliga ah.


E-mail:cowslafil@cowslafil.com

Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn