Saraakiil ka tirsan dawladda federalka Soomaaliya oo
waraysi siinayay wakaaladda Wararka Associated Press
ayaa waxay sheegeen in qorshaha dagaal oo ay dawladdu
muddooyinkii ugu dambeeyayba ay damacsanayd inay ku
qaaddo xoogagga ka soo horjeeda ay hor taagan caqabado
dhowr ah.
Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga dawladda federalka Soomaaliya
Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo waraysiga siinayay
wakaaladda wararka AP ayaa waxa uu sheegay in caqabadaha
hor yaalla ay ka mid tahay qalab la’aan haysata
ciidamada militariga dawladda federalka sida hubka taangiyada
iyo agabyo kale oo muhiim u ah ciidamada marka ay dagaal
galayaan.
Wuxuu sheegay Wasiiru dawlaha gaashaandhigga dawladda
federalka Soomaaliya in ay jiraan ciidamada fara badan
oo lagu soo tababaray gudaha dalka iyo dibaddiisa oo
diyaar u ah inay dagaal galaan balse ay jirto baahin
dhinaca qalabka militariga, wuxuuse rajo ka muujiyay
in marka ay u dhamaystiraan agabka militariga ay dawladda
qaadi doonto duulaanka ku dooneyso inay ku xaqiijiso
ammaanka.
Hadalka sarkaalkan ka tirsan dawladda federalka Soomaaliya
wuxuu imaanayaa xilli madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno
ka tirsan golaha wasiirrada ay dhowaan shaaca ka qaadeen
in dawladda federalka Soomaaliya ay ka go’an tahay
inay talaabo militari ka qaaddo xoogagga Mucaaradka,
maalmaha soo socdana ay la wareegi doonaan goobo fara
badan oo ay haatan gacanta ku hayaan xoogagga Mucaaradka.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com