Maamulka Degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool oo hoos
taga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa waxay sheegeen
inay ciidamo u direen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool
oo ay dhowaan soo gareen cutubyo ka tirsan ciidamada
Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka balse ay maalin
kaddib isaga baxeen.
Guddoomiyaha Degmada Rabdhuure ee Maamulka Xarakada
shabaabul Mujaahidiin Sheekh Maxamed Xasan oo la hadlayay
saxaafadda ayaa sheegay inay ciidamo u direen degmada
Ceelbarde si ay uga hortagaan haddii ay ciidamada Itoobiya
iyo kuwa dawladda federalka ay mar kale isku dayaan
inay ku soo laabtaan degmadaasi.
Sheekh Maxamed Xasan wuxuu sheegay inay ka war heleen
inay degmada Ceelbarde joogaan shaqsiyaad xiriir la
leh saraakiisha ciidamadii dawladda federalka ee gobollada
Bay & Bakool, kuwaasi oo uu sheegay inay ka dambeeyeen
xarigga loo gaystay dadka rayidka ah, wuxuuna intaasi
ku daray inay sharciga Islaamka waafajin doonaan shaqsiyaadkaasi
oo uu ku tilmaamay inay jawaasiis u adeegaya cadowga
Ilaahay.
Hadalka Guddoomiyaha degmada Rabdhuure ee Maamulka Xarakada
Al-shabaab ee Gobolka Bakool ayaa imaanaya xilli ay
degmada Ceelbarde isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo
kuwa dawladda federalka oo maalin ka hor halkaasi soo
gaaray, iyagoo sii daayay tiro maxaabiis ah oo ay qab-qabteen.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com