Wararka laga helayo degmada Ceel barde ee gobolka Bakool
ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa
dawladda federalka Soomaaliya oo maalmo ka hor si wadajir
ah u soo galay degmadaasi ay dib isaga laabteen iyagoo
sii daayay tiro maxaabiis ah oo ay ka qab-qabteen degmadaasi.
Ciidamada Itoobiyaanka iyo Soomaalida isugu jira ayaa
lagu soo warramayaa inay shalay isaga tageen degmada
Ceelbarde iyagoo u ruqaansaday dhinaca xadka uu gobolka
Bakool la wadaago dhulka is maamulka Soomaalida Itoobiya,
intii aysan degmada ka ambabixina waxay sii daayeen
ilaa 50 qofood oo ay qab-qabteen markii ay degmada soo
galeen.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Ceelbarde oo saxaafadda
la hadlay ayaa sheegay in dadka ay qab-qabteen ciidamada
Itoobiya iyo kuwa Soomaalida la hayay muddo saacado
ah, lana waydiiyay su’aalo badan oo ay ka mid
ahaayeen inay xiriir la leeyihiin xoogagga Al-shabaab
amaba ay taageeraan, balse dhamaan dadkaasi waxay sheegeen
inaanay wax xiriir ah la lahayn dhinacyada isku haya
Soomaaliya.
Dadka ku dhaqan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool
ayaa waxay si aad ah u soo dhoweeyeen ka bixitaanka
ciidamada dawladda federalka iyo kuwa Itoobiya ee degmadaasi,
waxayna saakay iyagoo aad u faraxsan isugu soo baxeen
fagaarayaasha degmada iyagoo isku marxabaynaya ka bixitaanka
ciidamadaasi.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com