Dagaallo aad u culus iyo duqeymo is barbar socday
ayaa waxa ay xalay gelinkii dambe ka dhaceen degmooyinka
waqooyi ee magaalada Muqdisho kuwaasoo gaystay qasaare
isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid
ah oo guryahooda ay madaafiicda iyo rasaasta habowga
ah ugu tagtay.
Dagaalkan ayaa ka billowday degmooyinka C/casiis, Boondheere
iyo Shibis halkaasoo ay muddooyinkii ugu dambeeyay isku
hor fadhiyeen ciidamada dawladda federalka iyo xoogagga
ka soo horjeeda, wuxuu ka dambeeyay kaddib markii xoogagga
Mucaaradka ay weerar ku soo qaadeen difaaca ciidamada
dawladda federalka Soomaaliya.
Dagaalka intii uu socday waxaa laysku adeegsaday hubka
noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid ahaayeen madaafiic
culus oo ay labada dhinac is waydaarsanayeen, waxayna
wararku sheegayaan in madaafiicdaasi iyo rasaastaasi
ay ku geeriyoodeen labo qofood oo rayid ah, in ka badan
5 qofood oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwasoo dhamaantood
ahaa dad rayid ah.
Dhinaca kale saakay waabarigii ayaa madaafiic laysku
waydaarsaday qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada
Muqdisho, kuwaasi oo aan la garanayn qasaaraha ka dhashay,
waxaase magaalada Muqdisho laga maqlayay daryanka madaafiicda
culus oo ay ridayeen ciidamada AMISOM ee fariisinka
ku leh KM4 iyo Gurigii Shaqaalaha.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com