Xildhibaano ka soo jeeda gobolka Sh/hoose oo shir jaraa’id
u qabtay saxaafadda ayaa waxay sheegeen in deegaano
ka tirsan gobolka Sh/hoose ay ku dagaalameen ururka
Xisbul Islaam iyo shacabka deegaankaasi, waxayna sheegeen
in shacabka deegaankaasi ay ku guuleysteen dagaalka.
Xildhibaanadan waxay sheegeen in dagaalka dhex maray
shacabka iyo ururka Xisbul Islaam uu ka dambeeyay kaddib
markii si gardarro ah ay ciidamo ka amar qaata Xisbul
Islaam weerar ku soo qaadeen dadka deegaankaasi iyagoo
sheeganaya inay doonayaan in zakada la bixiyo, waxayna
xarig u gaysteen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.
Shacabka deegaanka Farsooley oo is garabsanaya ayaa
ku soo baxay dagaalka isla markaana cashar fiican siiyay
ururka Xisbul Islaam, sida ay xildhibaanadaasi sheegteen,
waxayna intaasi ku dareen in dagaalka ka dhacay deegaankaasi
ay ku gacan sarreeyeen shacabka, ciidamadii Xisbul Islaamna
ay goobta isaga soo carareen.
Xildhibaanadaasi waxay sheegeen inaanay wax lug ah ku
lahayn dawladda dagaalada halkaasi ka dhacay, balse
ay niyad ahan garab taagan yihiin walaalahooda la dulmay
ee la doonayo in xoolahooda si xaq darro ah looga qaatay,
waxayna intaasi ku dareen in dawladdu ay go’aan
qaadan doonto haddii ay ururka Xisbul Islaam sii wadaan
xadgudubka ay ka wadaan deegaanada ay ka taliyaan ee
gobolka Sh/hoose.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com