Waxaa magaalada Mandheera ee waqooyi Bari Kenya lagu
soo gabagabeeyay kulan muddo labo maalmood halkaasi
uga soconayay Masuuliyiinta Maamulka Xarakada Al-shabaab
ee degmada Baladxaawo iyo masuuliyiinta degmada Mandheera.
Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayay ammaanka labada
degmo oo si aad ah isugu dhow, isuguna xiran iyo sidii
ay labada maamul uga shaqeyn lahaayeen ka hortagista
falalka ammaan darro ee halkaasi ka dhaca, iyadoo labada
maamul ay isku afgarteen inay si wada jir ah isaga kaashadaan
dhinaca ammaanka ayna yeeshaan kulamo joogta ah oo arrintaasi
looga hadlayo.
Madaxa maamulka labada degmo ee ka qayb galay kulanka
ka sokow waxaa goob joog ahaa odayaasha dhaqanka iyo
waxgaradka labada degmo kuwaasi oo soo agaasimay kulanka,
waxayna sheegeen inay mar kasta labada maamul ka shaqeyn
doonaan dhinaca ammaanka iyadoo aan loo fiirineyn colaadda
ka dhexeysa xoogagga Al-shabaab iyo dawladda Kenya.
Kulanka dhinaca ammaanka looga hadlayay ee dhex maray
labada maamul ee degmooyinka Baladxawo iyo Mandhera
ayaa yimid kaddib markii dhowaan kooxo hubaysan ay dhinaca
Mandheera ka soo dhaceen gaari ay lahayd dawladda Kenya
kaasi oo loola soo gudbay dhinaca degmada Baladxaawo,
iyo sidii looga shaqeyn lahaa in gaarigaasi dib loo
soo celiyo.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com