Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxay
baaq nabadeed u jeediyeen beelaha muddooyinkii ugu dambeeyay
ku dagaalamayay qeybo ka mid ah deegaanada hoos taga
gobolka Mudug kuwaasoo ay ku dhinteen dad fara badan
, kuwo kale oo fara badanna ay ku dhaawacmeen, qoysas
fara badanna ay ku barakaceen.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo MidnimadaBeelaha Hawiye
Maxamed Xasan Xaad oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa
uu ugu baaqay maleeshiyada beelaha ku dagaalamaya deegaanka
Bacaadweyn ee gobolka Mudug inay dagaalka joojiyaan,
wada hadalnka ku beddelaan gacan ka hadalka, wuxuuna
ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay colaadda qaboojiyaan.
“Waa nasiib darro dagaallada xiligan ka soconaya
deegaankaasi ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah, dhiig
Muslim oo la daadiyaa wax horumar ah oo lagu gaarayo
ma jirto, dagaalkuna wax natiijo ah ma lahan khasaare
mooyaane” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad, guddoomiyaha
odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo dhinaca kale sheegay
inay aad uga xun yihiin dagaaladaasi soconaya.
Hadalka guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha
Hawiye ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay dib uga soo cusboonaadeen
deegaanka Bacaad ee gobolka Mudug dagaal beeleedyo u
dhexeeya labo maleeshiyo oo ka soo jeeda beelo halkaasi
wada dega, dagaalkaasi oo salka ku haya aano qabiil
iyo muran la xiriira dhinaca lahaana dhul daaqsimeed
iyo biyo.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com