|
Taliyaha
Cidamada Booliska Maamul goboleedka Puntland ee Waqooyiga
magaalada Gaalkacyo Muuse C/raxmaan (Muuse Xasaasi) oo
la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inay
fashiliyeen qarax lala damacsanaa in isaga lagu bartilmaameedsado
kaasoo ay meesha ka saareen kaddib markii lagu soo wargeliyay.
Muuse Xasaasi waxa uu sheegay in miinada oo miisaankeedu
ahaa 15 kg oo ah nooca lagu farsameeyo gudaha dalka isla
markaana la soo dhex geliyay kiish shamiinto ay ka dhamaatay
lagu aasay meel 25 mitir u jirta hoygiisa oo ku yaalla
waqooyiga magaalada Gaalkacyo, wuxuuna intaasi ku daray
inay markii ay ka war heleen inay goobta u direen ciidamo
u tababaran miino baarista, goobtana laga saaray.
Taliyaha Ciidamada booliska maamul goboleedka Puntland
Muuse C/raxmaan (Muuse Xasaasi) wuxuu sheegay in dadka
deegaanka ay ku soo wargeliyeen in miino lagu aasay waddada,
kaddibna ciidamada booliska ay hawl gal ay sameeyeen ku
soo saareen, wuxuuna ka gaabsaday inuu faah-faahin ka
bixiyo hawl gallada ay sameeyeen dadka ay ku soo qab-qabteen.
Ugu dambeyntii Taliyaha ciidamada maamul goboleedka Puntland
ee waqooyiga Gaalkacyo wuxuu sheegay in maalmihii ugu
dambeeyay ay wadeen hawl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka
taasoo wax weyn ka beddeshay xaaladaha dhinaca ammaanka,
wuxuuna intaasi ku daray inay sii laba jibaarayaan hawl
gallada lagu xaqiijinayo ammaanka.
E-mail:cowslafil@cowslafil.com
|