Welcome to Cowslafil.com

BBC Somali

BBC 11:00 - 11:15
BBC 14:00 - 15:00
BBC 16:00 - 16:15
BBC 18:00 - 18:30
Xaflad Qalinjebin...
Get your Free Videosi

Xawaaladda Dahabshil
Somali Links
A
B
baidoa 
Buurhakabo.com 
Bulsho  
C   
Cows La Fil 
Cadaado 
Cadayga 
Calayaale 
Cayaaraha 
Ceelbuur 
CRD 
cigonet.co   
D
Diilhare.com
Dir Era 
daawo 
dawanpress 

doolo 
deeyoo 
darwiishland
dayniile.com
 
 
Gar-naqsi dhex maray gebi ahaan Gobolada Soomaaliyeed iyo go'aamadii ka soo baxay. .....

   
july-31-09 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
 

Garnaqsi dhex maray gebi ahaan Gobolada Soomaaliyeed iyo goaamadii ka soo baxay.

Gobolada soomaaliyeed ayaa waxay galeen shir gudoon ay kaga hadlayaan xaalada cakiran ee bulshada haysata haday tahay colaado abaaro iyo siyaaasad oo ismaan dhaaf weyn ka jiro gobolada oo uu shirgudoominayo gobolka banaadir ayaa waxay gorfeeyeen talo ah In gobolka banaadiir soo jeediyay in caasimada laga raro oo gobolka banadir uu ku ekaado maadaama caasimadu magac la yiraahdaa noqday bahala galeen iyo meel aan guluf colaadeed ka dhamaan hadaba waa kan shirkii gobolada iyo go,aamadii ka soo baxay .

Gobolka banaadir ; asalaamu calaykum wr wb waxaan halkan ka salamayaa gebi ahaan goboalda soomaaliyeed hadaan hadalka bilaabo waxaan ahaa magaalo quruxbadan oo qaaliyawaxaan ahaa goob umada soomaaliyeed oodhan u dhaxaysa , waxaan ahaa meel karaamo leh oo lagu soo hirtaa maxaan ku galabsaday in lay gubo lay geliyo colaad , lay go,doomiyo. Gebi ahaana dadkaygii geeri iyo goblan laga dhigo ma garbaa dhamaan gobolada soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa aniga magaca caasimada iyo magaalo madaxda ayaa dhibku ugu gaadhaye in laygala wareego meeshaad doontaana geeyaa idinkuma haysto.

Shabeelada dhexe. Horta anigu xilka intaas le,eg ma qaadi karo oo aniga oo aan caasimad noqon ayaa dhawr jeer dhib badan magaca gobol ahaan igu soo gaadhay hadaan caasimad qaatana waaba kasii daran sidaa awgeed muqdisho wax kugu dhaama malaha

Shabeelada hoose ; aniga xitaa gobol ma rabo marka uun halay yiraahdo waayo magaalo haday weynaato maafiyadeeda iyo mooryaanteeda ayaa badata masaakiintana waa lagu dilaa Ma rabo inaan caasimad noqdo iyo magaalo madax ee muqdisho anigu wax ku dhaama ma ogi.

Hiiraan ;- anigu waaban iska noqon lahaa caasimada oo maba diideen bal in dhib iga soo gaadho iyo in kale balse sharciga ayaan ogolaanayn meel xadku u dhawyahay in laga dhigo caasimad oo waayo waxaa dhici karta in markiiba dalka aynu deriska nahay xoog igu qabsado laakiin gobolada kale xoogaa ayaa loo socon karayaa dhaqso laguma qabsan karo sidaa awgeed ma rabo anigu caasimada inaan noqdo oo hadhaw ku ceeboobo oo cadaw gacan geliyo xarunta soomaaliya markaa muqdisho wax ku dhaama ma ogi.

Galguduud :nimanyahaw caasimada horta waa laysu soo raacaa hada oo dad badan gobol ahaan deegaankayga wadaago ayaan dhib badan ku qabaa oo hadii xarunta laysku qabsodana waa ka daran ma doonahayo inaan noqdo caasimad soomaalina meel ay isugu timid waan aqaana walle khayr ma keenaan isqabqabsi iyo deegaanka oo muran ka dhasho ayaa dhacda muqdisho meel ku dhaanta ma ogi

Mudug :- aniga iyo caasimadaa horta waaban noqon lahaa ee waxaa dhib ka joogaa dadka soomaaliyeed iyagu diyaar maw yihiin inaan noqdo caasimada soomaaliya waayo aniga ayaa xaq u leh caasimada waxaan ahay xudunta dalka waxaan ahay gobolka afkiisa wax lagu qoro waxaan ahay gobol soomaalida sida ay u degto laga heli karo haddee aniga waan mudanahay ee maad ii dooraataan iiguna ducaysaan Gedo : caasimada soomaaliya dooni mahayo inaan noqdo dhibkeeda iyo qaxarkeeda iyo soomaali isqabqabsigeeda hadaan qaati ka joogaa anigu marnaba ma aqbalayo Ilaahay wax ka khayr roon ayaan waydiistay muqdishona meel ku dhaanta malaha

Jubada hoose : hada ayaa wax soo saarkaygii iyo wax dheefkaygii dhib iyo dagaal laygu bedelay oo hadaa colaad iyo carradii olol la geliyay oo goboladii deriskayga ahaa kala dhimanay oo wareer iyo dawakh aan ku jirna maxaa caasimad ii soo arkay dooni mayo mana rabo mana yeelayo caasimada halaguu soo raro ee muqdisho xilkaa cid kugu dhaanta malaha .

Jubada dhexe: aniga fekerkayga waxaan ku raacay jubada hoose waayo ma kala maarano laba jubo hadaan nahay balse waxaan jeclahay in magaca quruxda badan ee jabaqda igu soo gaara ee jubaland naloogu magacdaro oo halkaas aanu reer land ka mid noqono inshalaah. Muqdishona caasimada hanoo hayso kuma haysanee.

Baydhabo:- aniga caasimada ma doonayo muddo yaroo dowlad saldhig iga dhigatay oo soomaali isugu timi gudahayga ayaan arkay muran badaanaa xasarad badaanaa dhib badana a Caasimad ma rabo ma u baahni baarlamaan ayaa ii xiijiyay keligiis aaan xarun u noqdoo ma soomaali oodhan ayaan xarun u noqon karaa muqdisho meeshaada hala joogto caasimada .

Bakool :- anigana waa kula qabaa fekerkaas mataankayga baydhabo dhibka ay ka sheegatay marag ayaan ka ahaa mana rabo amana u ciilqabo caasimada teeda kale beledweyne meesha uu ka joogo ayaan ka joogaa oo xad ayaan u dhawahay sidaa awgeed banaadir waa mahadsantahay adiga lee iska hay xilka magaala madax maxaa yeelay waa taqaana macnaha madaxda iyo afaaraahaas iyo siyaasadooda iyo dagaalkooda anigu beri ayaan ka ahay ee muqdisho dhibkaada adiga ilaahay hakuu fududeeyo.

Nugaal : anigu hadaba caasimad ayaan ahay caasimaduna hadde maaha wax lagaga cararo muqdishona waa garteen ee waa in la nasiyaa hadii caasimad layga dhigo waan magaaloobi lahaa oo waan waynaan lahaa waayo aniga hada waan ogahay waxaa laygu xantaa way yartahay iyo waa degmo layskaga magaacaabay gobol marka laga hadlayo xarun ahaanta deegaan ahaan waxba layma dheere anigu waan qaadi karaa xilkaas hadana caasimad ayaan ahay haddii laysii kordhiyaana gacmo furan waxaanan balan qaadayaa in soomaali oodhan aaan isugu mid noqdo oo aanan wax khilaafa iyo takoor iyo midab sooc iyo kala gur midna laygu arkin ee aniga halaygu duceeyo.

Barri:- anigu gobol ahaan waxaan ahay gobolka barri ee deegaanka soomaaliya ka tirsan haddii magaala madaxdii muqdisho caasimadnimada iyo xarunta dalka ay ahaato ay dhib kala kulantay haddee aniga waxay ila tahay meel muqdisho caasimada kaga fiican ma jirto marka hore oo waa meel xeeb leh webi leh deegaan aad u quruxbadana leh magaca muqdisho magac la midana lama helayo , haddiise ay lama huraan noqoto in laga bedelo meel igu dhaanta ma jirto oo magacayga ayaa soo labeeya magac quruxbadnaanta oo waa caasimada dalka soomaaliya Bandar qaasim , magaalada madaxdalka soomaaliya ee Bandarqaasim , sidoo kale degmo ahaan waa boosaaso , gobol ahaana waa bari. Sida caasimada muqdisho, degmada xamar iyo gobolka banaadir haddee garoowe iyo gaalkacayo waa riyoonayaan ee aniga wax igu dhaama malaha .

Golabada , Togdheer , Sool. Sanaag, Awdal iyo Waqooyi galbeed Ayaa si isku duubniya u hadlay iyaga oo sheegay inaysan aqbalayn meel aan ahayn caasimada muqdisho in laga dhigo balse hada aysan iyagu wax feker ah ka dhiibanayn ilaa xal loo helo dejinta iyo daminta colaadaha ka jira gobolka banaadir iyo gebi ahaan koonfurta iyo bartamaha soomaaliya in caasimad laga doodona waxaa muhiimsan ayay hadalka ku soo jareen in magacii soomaaliya sida lagu heli lahaa aad is weydiisaan maaha in meel dhaw lagu mashquulo.

Hadaba aqristoow waxaa kuu furan inaad fekerkaaga ka dhiibato gobolka ku haboon caasimada dalka iyo goobta ugu haboon xarunta umada soomaaliyeed adiga oo eex iyo cadaalad daro iyo caadifad iska dhawrayaa dhinac walbana arinta ka eegayaa .

Wabilaahi tawfiiq Waa Qalinkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr abdirihiin1 @hotmail.com

 


Somali News.
Dastuurka...

Shir Looga hadlayey.

TFI Somali Republic.

Xaflad Balaaran oo

Xaflad Balaaran oo lagu xusayey Munaasabada 1Luulyo..


Khudbad uu soo ..


Heshiis Khartuum.

Soora Lo,Anella.

Xaflad Balaaran.

Xaflad Soo Dhoweyn